Sign in to follow this  
Deeq A.

Dekedda Muqdisho oo lagu buufiyay Jeermis-dile ka hortaga xanuunka COVID-19

Recommended Posts

Deeq A.   

Shirkadda Albeyrak, ee laga leeyahay waddanka Turkiga oo gacanta ku haysa Maamulka dekedda weyn ee Muqdisho, ayaa dekedda ku buufisay Jeermis dile loogu talo galay ka hor-tagga Cudurka faafa ee Covid-19.

Olgun Usta Wakiilka Maamulaha guud ee Shirkada Albeyrak, oo Saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in ay wadaan dadaalo dheerado ah oo looga hor-tagayo faafida cudurka Covid-19.

Shirkadda waxey ku dadaaleysaa in ay dekadda shaqeyso, shaqaalaha joogana ay badqabaan” ayuu yiri Olgun

Sidoo kale, Wakiilka Maamulaha shirkada Albeyrak Olgun Usta, ayaa sheegay in qalabka lagu oggaan karo qofkii xanuunsan ee ay dhigeen iridka hore ee dekedda Muqdisho si ay u ilaaliyaan badqabka shaqaallaha.

Irida waan dhignay qalab lagu oggaado oo hubin karo dadka xaruunsan ee dekedda soo galayo” ayuu yiri Wakiilka

PUNTLAND POST

The post Dekedda Muqdisho oo lagu buufiyay Jeermis-dile ka hortaga xanuunka COVID-19 appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this