Sign in to follow this  
Deeq A.

DF: Natiijada 40 qof oo laaga baarey Covid-19 baan sugeynaa

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (SMN) – Wasiirka Caafimaadka iyo daryeelka Bulshada xukuumadda federaalka Soomaaliya, Fowsiya Abiikar Nuur, ayaa caawa ka hadashay xaaladihii ugu dambeeyay COVID-19, dadaallada socda ee lagu xakameynayo, horumarradda la gaaray iyo qorshaha la doonayo in lagu joojiyo faafintaanka cudurka.

Sidda ay ka dhawaajisay Fowziya, maalinta berri oo Jimce ah waxaa qorshuhu yahay in ay soo baxdo natiijada 40 qof oo laga baarey cudurka.

Dadweynaha ayay ku boorisay in ay muujiyaan feejignaan dheeraad ah isla markaana aysan tagin goobaha dadka kulmaan.

Kiisaska illaa iyo haatan la xaqiijiyey ee gudaha waddanka ayay xustay in ay tahay 80, oo 70 kamid ah ay yihiin rag iyo tobban dumar.

Ugu dambeyntii, wasiiradda ayaa daboolka ka qaadey in dowladdu ay heshay qalab caafimaad oo loogu talagalay xakameynta caabuqa. Waxay intaas raacisay in ay filayaan gargaar kale oo kaga imaanaya wadamo kale.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this