Deeq A. Posted April 16, 2020 Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa dalab deg-deg ah oo ku aadan cudurka Coronavirus u gudbiyey Beesha caalamka, xili ay sarre u kacday halista cudurkaasi ee gudaha Soomaaliya. Madaxweyne Deni oo uu weheliyo Madaxweyne Ku-xigeenkiisa, Axmed Karaash ayaa maanta kulan hab maqal iyo muuqaal ah kula qaatay xubnaha Beesha Caalamka ee taageera Soomaaliya. Kulankaasi ayaa sidoo kale waxa qeyb ka ahaa Mas’uuliyiinta Beesha Caalamka ka socotay ee kulankan ka qeyb-galay waxaa hoggoominayey Danjiraha Qaramada Midoobey ee Soomaaliya Ambassador James Swan, waxaana ka mid ahaa Ergayga Midowga Europe ee Soomaaliya Nicolas Berlanga Martinez, Safiirada wadamada Norway, Sweden, Germany iyo Mas’uuliyiin ka tirsan World bank. Kulanka ayaa looga hadlay xaaladda cudurka Coronavirus iyo saameynta caafimaad iyo dhaqaale ee uu ku yeelan karo maamulka Puntland. Sidoo kale kulankaasi waxa looga hadlay diyaar-garowga Puntland ee Cudurkaasi iyo doorka Beesha caalamku ka qaadanayso dadaalka ay Puntland ugu jirto ka hortaga cudurkaasi ee Covid-19. Waxaana qeyb ka ahaa kulankaasi xubno ka tirsan golaha wasiirada Puntland sida Wasiirka Arrimaha Gudaha, Wasiirka Caafimaadka, Wasiirka Qorsheynta iyo Saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Dowladda Puntland. Share this post Link to post Share on other sites