Deeq A. Posted April 16, 2020 Muqdisho (SMN) – Howlgalka waxaa laga fuliyay waddada xiriirisa deegaanka Janaale iyo magaalada Marka, halkaas oo la sheegay in ay ku aaseen Al-Shabaab. Taliyaha ciidanka dhulka, Janaraal C/xamiid Dirir, ayaa howlgalka hogaaminayay, waxayna ciidanka ku guuleysteen in miinooyinkaas ka soo saaraan waddada isla markaana qarxiyaan. Ujeedada howlgalkan ayaa taliyaha ciidanka dhulka waxaa u sheegey in ay xaqiijiyaan amniga deegaanada u dhexeeya Janaale iyo degmada Marka ee xarunta gobolka Shabeelaha hoose. Wararka ayaa waxay intaas ku darayaan in aysan jirin wax khasaare ah oo ciidanka ka soo gaaray intii lagu jirey howlgalka. View the full article Share this post Link to post Share on other sites