Sign in to follow this  
Deeq A.

Maamulka Puntland oo digniin u diray gaadiidleyda

Recommended Posts

Deeq A.   

Garowe (SMN) – Madaxweynaha Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saarey amar lagu mamnuucayo dhoofinta birta, macdanta iyo maarta.

War-saxaafadeed kasoo baxay xafiiska Deni ayaa go’aankaas lagu socod-siiyey guud ahaan qeybaha kale ee dowlad goboleedkaas.

Muxyadiin Gacmey, taliyaha booliska Puntland oo warbaahinta u akhriyey bayaanka, ayaa faray dhinacyadda ay quseyso in ay fuliyaan amarka.

Gaadiidleyda iyo Geerishyadda ayuu si gaar ah uga digay in ay ku lug-yeeshaan dhoofinta oo uu ku tilmaamay mid sharci darro ah.

Amarkaan ayaa wuxuu kusoo aadaya xili maamulka Puntland uu horey uga dhawaajiyey in uu waddo qorsheyaal uu maalgeshi ugu raadinayo ganacsatadda.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this