Sign in to follow this  
Deeq A.

Dad lagu soo qabtay howlgal ka dhacay Beledwayne

Recommended Posts

Deeq A.   

Beledwayne (SMN) – Ciidamadda ammaanka ayaa lagu waramay in saacadihii lasoo dhaafay ay howlgalo ka sameyeeen magaalada Beledwayne.

Howlgaladan oo dad lagu soo qabqabtay ayaa ka dambeeyay markii askari lagu toogtay bartamaha xarunta gobolka Hiiraan.

Dableyda ayaa lasoo wariyey in ay ka baxsadeen meesha ay wax ka dhaceen oo ay soo gaareen hay’addaha nabad-gelyada.

Ma jirto koox sheegatay falkaas. Sidoo kale, waxaanan wali ka hadlin laamaha ammaanka maamulka HirShabelle.

Dhalinyaradda lagu soo xiray howlgalada ayaa lasoo sheegay in qaarkood dib ay u heleen xorriyadooda, balse waxaa baaritaano dheeri ah loo diray qaar kale.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this