Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxaa ka jira in COVID-19 dartiis dib loogu dhigayo doorashada madaxtinimada Soomaaliya?

Recommended Posts

Deeq A.   

Guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa beeniyay warar ay saxaafadda tebisay oo sheegaya in guddigaasi qorshaynayo in ay dib u dhigaan doorashada madaxtinimada dalka.

Warbaahinta qaar ayaa xubno ka tirsan guddigaas oo aysan magacaabin horay uga soo xigtay in guddigu ay doonayaan in ay dib u dhigaan doorashada maadaama dalka uu ka jiro xanuunka Coronavirus.

Balse War rasmiya oo ka soo baxay guddiga ayaa lagu sheegay in ay waxba kama jiraan yihiin wararkaas ku saabsan in guddigu qorshaynayo in ay dib u dhigaan doorashada sababa la xiriira xanuunka COVID-19.

Guddiga Madaxabanaan ee Doorashooyinka Qaranka waxa uu Umadda Soomaaliyeed u xaqiijinayaa in wararka ah in Guddigu ku dhawaaqi rabo dib u dhac Doorasho uu yahay war been abuur ah oo sal iyo raad aan lahayn ayaa lagu yiri” qoraalka guddiga.

PUNTLAND POST

The post Maxaa ka jira in COVID-19 dartiis dib loogu dhigayo doorashada madaxtinimada Soomaaliya? appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this