Sign in to follow this  
Deeq A.

Xildhibaan ku baaqay in lala hadlo Al-Shabaab

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (SMN) – Xildhibaan Zakariye Maxamuud Xaaji oo ka tirsan Golaha Shacabka baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya ayaa ku baaqay in miiska wadahadalka lala fariisto Al-Shabaab si loosoo afjaro dagaalka daba dheeraadey.

Mudanaha oo wareysi gaar ah siiyey warbaahinta Shabelle ayuu ku booriyey in ay gartaan ahmiyadda ay leedahay in la baajiyo dhiiga daadanaya.

Isagoo hadalkiisa sii wata, sharci-dejiyaha ayaa sidoo kale ugu baaqay darafyadda in ay isku tanaasulaan si dalka uga baxo dhibaatada amni.

Hadalka Xildhibaanka ayaa wuxuu kusoo aadaya xili doorasho la sheegay in ay tahay qof iyo cod ay ka dhaceyso dalka sanadka soo aadan ee 2020-21, taas oo qasab ka dhigeysa in isbedel lagu sameeyoo dhanka ammaanka iyo siyaasadda.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this