Sign in to follow this  
Deeq A.

Mareykanka oo beeniyey in uu rayid ku dilay Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   

Washington (SMN) – War-saxaafadeed uu soo saaray taliska Mareykanka AFRICOM ayaa lagu beeniyay in qof rayid ah lagu dilay duqeyn diyaaradaha Mareykanka ay bishan April ka fuliyeen gudaha Soomaaliya.

Mareykanka ayaa war-saxaafadeedka uu soo saaray ku sheegay in Al-shabaab ay baahiyeen in duqeyn diyaaradaha Mareykanka ay ka fuliyeen degmada Jamaame ee gobolka Jubada Hoose ay ku dileen qof shacab ah.

Sidoo kale Mareykanka ayaa qoraalka uu soo saaray ku beeniyay warka kasoo baxay Al-shabaab oo ahaa in Mareykanka uu ruux shacab ahaa duqeyn ku dilay,waxaana uu sheegay Mareykanka in duqeyn diyaaridihiisa ay 10-kii bishan April ka fuliyeen Jamaame ay ku dileen sarkaal ka tirsan Al-shabaab,sida lagu xusay war-saxaafadeed kasoo baxay taliska Mareykanka ee AFRICOM.

Taliska AFRICOM ee Mareykanka ayaa warka kasoo baxay ku xusay in ruuxa ay ku dileen duqeyntii ka dhacday Jamaame uu ka tirsanaa Al-shabaab,isla markaana uu horay u geystay dilka lix ruux oo shacab ah.

Mareykanka ayaa inta badan lagu eedeeyaa in uu qariyo qasaaraha duqeymaha uu ka fuliyo kasoo gaara dadka rayidka ah,iyadoo dhawaan hay’adda xuquuql insaanka ee Amnesty International ay u jeedisay eedeyn  arintaasi la xiriirta,waxaana markii ugu horeysay Mareykanka sanadkii lasoo dhaafay uu qirtay in uu duqeyn ku dilay hooyo cunugeeda oo deganaa gobolka Shabeelada Hoose.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this