Sign in to follow this  
Deeq A.

Wiil dhaqtar ahaa oo lagu dilay Muqdisho iyo Al-Shabaab oo eedeyn yaab leh u jeedisay

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Rag ku hubeysnaa bastoolado ayaa xalay Xaafada Tabakaayo Madoow ee degmada Dharkeenleey ku dilay dhaqtar dhallinyaro ahaa oo lagu magacaabay Dr. Cabdullaahi Yusuuf Suudaan.

Dr. Cabdullaahi Yusuuf Suudaani ayaa waxa uu xarun dadka lagu daaweeyo oo Farmshiye ah uu ku lahaa kasoo horjeedka Masjidka Al-Nuur degmada Dharkeenleey.

Dr. Cabdullaahi ayaa markii la dilayey waxa uu ku howlanaa sidii uu u xiri lahaa Farmashiyaha si uu u aado Salaada Cishaha oo lagu jirey.

Ciidamo ka tirsan kuwa booliska Soomaaliya, oo u diyaar garoobayey dhaqan gelinta bandowga la saarey Muqdisho, ayaa tegay halka uu dilka ka dhacay, waxaana goobjoogayaal ay sheegeen in ay ciidamada xir xireen dhallinyaro ku sugneyd meel aan ka fogeen halka lagu diley Cabdullaahi.

Ururka Al Shabaab oo sheegtay masuuliyadda dilka wiilka dhaqtarka ahaa ayaa u jeediyey eedeyn yaab leh oo ahaa inuu ahaa sirdoon.

Al-Shabaab ayaa sheegtay Dr. Cabdullaahi nuu ka tirsanaa Ciidamada Sirdoonka dowladda, gaar ahaan qaybta dharcadka, balse eheladiisa qaar ayaa arrintaasi been abuur ku tilmaamay.

Wiil qaraabo dhaw la ah Cabdullaahi ayaa sheegay inay tahay war been abuur ah hadalka ka soo baxay Shabaab ee lagu sheegay in Dr. Cabdullaahi uu ahaa askari ka tirsan Nabad Suggida.

Allaha u naxariistee Marxuumka Shabaab xalay ay dileen ayaa wuxuu Jaamacad uga soo baxay dalka Sudan, halkaasi uu ku soo bartay Cilmiga Caafimaadka.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this