Sign in to follow this  
Deeq A.

Caddaalad darro ka jirta bandowga habeenkii soo rogtay Punland

Recommended Posts

Deeq A.   
  • Wasiir-sawir.jpg?w=1000&ssl=1Wasiir Cabdiwali ayaa ka tirsan Guddiga Puntland u qaabilsan diyaar garowga iyo ka hortagga Covid-19

Wasiir Ku-xigeen Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Puntland Cabdiwali Mire Xirsi ayaa sheegay  in dadka hantida haysta iyo goobaha ganacsiga ee caanka ah aysan u hoggaansamin awaamiirta dowladda ee la xiriirta Covid-19.

Wasiir Cabdiwali Mire oo maanta oo Khamiis ah hadal ka jeediyey munaasabad ay xilka kula wareegayeen maamulka cusub ee gobolka Nugaal ayaa ka dhawaajiyey in goobaha caanka ah ay furan yihiin habeenkii, halka dad danyarta ah ee aad u dhiban ay sharciga u hoggaasamaan, taasina ay tahay caddaalad darro weyn.

Sidoo kale Wasiirka ayaa sheegay in awaamiirtii Puntland ka soo saartay Qaadka ay jabiyeen ciidamada, oo uu sheegay in ay shacabka ka qaadaan, kadib ay iyagu isticmaalaan.

Wasiirku ma sheegin arrinta caddaalad darrada ah ee la xiriirta awaamiirta, waxa ay ka qabanayaan Guddiga uu ka tirsan yahay ee ka hortagga Covid-19.

Bandowga habeenkii ee Puntland oo hadda socday muddo labo todobaad ah, labo todobaad oo kalana lagu daray ayaa saameeyey danyarta iyo goobaha ganacsiga ee yaryar, halka dad wax haysta iyo goobaha ganacsiga ee caan ah uusan saameyn.

PUNTLAND POST

The post Caddaalad darro ka jirta bandowga habeenkii soo rogtay Punland appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this