Sign in to follow this  
Deeq A.

Deni oo amar kasoo saaray Macaadin la sheegay in laga dhoofiyo deegaanada Puntland

Recommended Posts

Deeq A.   

Garowe (Caasimada Online)-Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray amar uu ku mamnuucayo dhoofinta Birta, Maarta iyo Macaadinta kale ee  deegaanada maamulka Puntland.

Warqadda kasoo baxday Xaafiiska Madaxweyne Deni ayaa lagu socod dhamaan wasaaradaha xukuumadda Puntland iyo taliska booliska Puntland.

“Waxaa dhamaan wasaaradaha iyo taliska ciidanka booliska ee sida tooska ah ay waqadani ugu socoto lagu wargelinayaa in laga bilaabo maanta la joojiyay dhoofinta Birta, Maarta iyo Macdanka” ayaa lagu yiri qoraalka.

Taliska ciidanka Booliiska Puntland, ayaa si gaar ah loogu amray in uu tallaabo sharci ah ka qaado, cid kasta oo lagu qabto dhoofinta Birta, Maarta iyo Macdanta.

“Sidaas darteed waxaa taliska ciidanka Booliska la farayaa in cidii lagu qabto laga qaado tallaabo sharciga waafaqsan”ayaa lagu yiri warqadda kasoo baxday xaafiiska madaxweyne Deni.

Qoraalkan kuma cadda sababta ka dambeysa in Madaxweyne Deni uu soo saaro amarkan lagu mamnuucayo dhoofinta Birta, Maarta iyo Macdinta oo sida la sheegay loo dhoofin jiray dalka dibadiisa.

aaa.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this