Deeq A. Posted April 16, 2020 Muqdisho (SMN) – Rag ku hubeysan bastoolado ayaa xalay, sidda la sheegay, waxay nin ganacsade ahaa ay ku dileen gudaha degmada Dharkeenley ee gobolka Banaadir gaar ahaan xaafada Tabakaaya-Madow. Marxuumka dilka loo geystay oo magaciisa lagu soo koobay Cabdullaahi ayaa sidda ay dadka degaanka u sheegeen Shabelle waxa uu ahaa ganacsade ka ganacsatada daawooyinka oo uu Farmashiye ku lahaa xaafada Tabakaaya-Madow. Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda federaalka Soomaaliya ayaa soo gaarey meesha, iyagoo baaritaano ka sameeyay nawaaxiga goobta uu falka dilka ah ka dhacay. Goobjooge ku sugnaa xiliga falka uu dhacayay halkaas ayaa Shabelle uga waramay sidda ay wax u dhaceen. Lama ogga cidda ka dambeysa dilka marxuumka, balse dilkaan ayaa waxa uu qeyb ka yahay dilal soo laablaabtey oo xiliyadda qaar ka dhaca magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya. View the full article Share this post Link to post Share on other sites