Sign in to follow this  
Deeq A.

Kufsi lagu eedeeyay ciidanka DFS oo la baarayo

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (SMN) – War-saxaafadeed ay soo saartay wasaaradda gaashaandhiga xukuumadda Soomaaliya ayaa looga hadlay kufsi dhawaan ka dhacay deegaanka Janaale ee gobolka Shabeelada Hoose oo lagu eedeeyay ciidanka milatariga Soomaaliya ee ku sugan deegaankaasi.

Wasaaradda Gaashaandhiga ayaa war-saxaafadeedka ay soo saartay ku sheegtay in wasaaradda ay soo gaartay dacwadda kiis kufsi ah oo loo geystay laba gabdhood,kaas oo ka dhacay Janaale.

Sidoo kale wasaaradda gaashaandhiga ayaa warka kasoo baxay ku cambaareysay falkan kufsiga ah oo wasaaradda ay ku tilmaantay mid xad gudub ku ah diinta Islaamka,xeerka ciqaabta ciidanka xooga dalka iyo dhaqanka Soomaaliyeed.

Si kastaba ha’ahaatee, wasaaradda gaashaandhiga Soomaaliya ayaa sheegtay in maxkamadda milatariga ee ciidamada qalabka sida ay wado baaris ku aadan kiiskan kufsiga ah ee ka dhacay deegaanka Janaale ee gobolka Shabeelada Hoose.

Wasaaradda ayaa dhinaca kale balan qaaday in ay ciqaab marsiin doonto  cid walba oo ay ku cadaato eedeynta kufsigan lagu kala kacay labo gabdhood oo deganaa deegaanka Janaale ee gobolka Shabeelada Hoose.

Falalka kufsiga ee ka dhacaya koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya ayaa inta badan soo noq noqda,waxaana soo badanaya kiisaska kufsiga ee lagu kala kaco gabdho da’yaar aad u yar oo ay kamid yihiin labo gabdhood oo lagu kufsaday degmada Afgooye ee gobolka Shabeelada Hoose.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this