Sign in to follow this  
Deeq A.

Al-Shabaab oo “toogatay” lix qof + Magacyadda

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (SMN) – Dagaalameyaasha Al-Shabaab ayaa degaanka Jamaame ee gobolka Jubadda Hoose waxay ku dileen lix qof oo ay ku eedeeyeen in ay jaajuus u ahaayeen dowladda Soomaaliya iyo qaar kamid ah maamulada.

Warbaahinta internet-ka ee ku hadasha afka xarakada ayaa sheegtay in goobta lagu fuliyey dil wadareedka ay joogeen shacab fara badan.

Hoos akhriso magacyadda shaqsiyaadka la toogtay

Maxamada Iidow Aadan oo loo yaqaano Tareeso, waxaa lagu eedeeyay in uu la shaqeynayay Sirdoonka Dolwadda federaalka.

Aadan Cabdullaahi Xaaji Aadan Boorow, waxaa lagu eedeeyay in uu la shaqeynayay sirdoonka Dowladda federaalka.

Cusmaan Cabdulle Afrax waxaa lagu eedeeyay in uu la shaqeynayay Sirdoonka Dowladda federaalka.

Xassan Hafow Saney waxaa lagu eedeeyay in uu la shaqeynayay sirdoonka maamulka Jubbaland.

Maxamada Cali Madkeerow (Qoryooley) waxaa lagu eedeeyay in uu la shaqeynayay Sirdoonka maamulka Koonfur galbeed.

Hilowle Bashiir Aadan waxaa lagu eedeeyay in uu la shaqeynayay Sirdoonka maamulka Koonfur Galbeed.

Marka laga soo tago sheegashadda Al-Shabaab, ma jiro wax jawaab ah oo eedeyntaas ay kasoo saareen dhinacyadda la tilmaamay in ay la shaqeynaayey xubnahaas dilka toogashadda lagu filay shalay oo Arbaco ahayd.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this