Sign in to follow this  
Deeq A.

Ahlu-sunna oo DF ku eedeysay inay Galmudug ku abuureyso Al-Shabaab iyo Daacish

Recommended Posts

Deeq A.   

Dhuusamareeb (Caasimadda Online) –Ahlu-Sunna Waljamaaca ayaa cadeysay in aysan jirin wax heshiis ah oo dhexmaray iyaga iyo dowladda federaalka ama maamulka Madaxaweyne Qoor Qoor toona.

War-saxaafadeed uu soo saaray Sheekh Maaxamed Shaakir Cali Xasan oo ka mid ah hoggaanka sare ee ururkaas ayaa eedeymo badan loogu soo jeediyay dowladda federaalka.

“DFS waxa ay xoogga saartay burburinta heshiiskii taariikhiga ahaa ee Jabuuti, si ay meesha uga Ahlu-Sunna Waljamaaca, ayna gobollada dhexe ugu abuurto kooxaha xagjirka ah ee Al-Shabaab iyo Daacish, iyadoo ka dhistay maamul aan loo dhameyn, kana turjumeyn labadii maamul ee horay u midoobay”ayaa lagu yiri qoraalkan kasoo baxay hoggaanka Ahlu-Sunna.

War-saxaafadeedkan ayaa sidoo kale lagu yiri, “Waxaan cadeyneynaa in uusan jirin heshiis ay gaareen ASWJ, DFS iyo maamulka ay dowladdu uga dhistay Galmudug sida dul saarka ah ee laga keenay Muqdisho.”

Ahlu-Sunna ayaa qoraalkan ku sheegtay in aysan qeyb ka aheyn dhismaha maamul ee dowladda federaalku ay ka wado Galmudug, waxayna ugu  baaqeen bulshada reer Galmudug in ay u istaagaan ka hortagga waxa ay ku sheegeen kooxaha xagjirka ee kusoo duulay dalka, sida lagu yiri qoraalka.

“ASWJ waxa ay mar kasta diyaar u tahay in bulshadeeda ay ka badbaadiso in lagu dhex faafiyo afkaarta xagjirka ah si aysan bulshada dhexdeeda uga dhalan afkaarta is qarxinta iyo is gaaleysiinta”ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay hoggaanka Ahlu-Sunna.

Ugu dambeyntii qoraalkan Ahlu-Sunna waxa ay ku sheegtay in beesha caalamka iyo umadda Soomaaliyeedba ay u cadeynayso in DF iyo cid kasta oo ku gacan siisay ay ka shaqeeyeen burburinta Galmudug iyo in dagaal lala galo ASWJ si ay fursad ugu siiyaan Al-Shabaab in ay dib ugu soo laabtaan deegaanadii ay ASWJ ka xoreysay 12-sano ka hor, sida lagu yiri qoraalka, balse Ahlu-Sunna aysan aqbali doonin arintaas mas’uuliyad xumadii ka dhalatana ay qaadaneyso dowladda federaalka.

FB_IMG_1587008317641.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this