Sign in to follow this  
Deeq A.

Tirada Dadka U Dhintay Coronavirus Ee Soomaaliya Oo Gaadhay 5 Qof

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Muqdisho)-Dowladda Soomaaliya ayaa xaqiijisay inay geeriyoodeen 3 qof oo kamid ah dadkii uu gudaha dalka ku helay cudurka COVID-19, taas oo tirada guud ee dhimashada ka dhigeysa 5 qof.

Wasiirka Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Soomaaliya, Fowsiya Abiikar Nuur, ayaa warbxinta maalinlaha ah ee arrimaha COVID-19 ku sheegtay in sidoo kale la diiwaan geliyay labaatan xaaladood oo cusub. Tirada guud ee xaaladaha COVID-19 ee dalka laga diiwaan geliyay ayaa gaadhay 80 xaaladood.

Marwo Fowsiya Abiikar Nuur ayaa ugu baaqday dadka Soomaaliya inay si saxan u qaataan tallooyinka caafimaad ee qaybta ka ah qorshaha xakameynta cudurka maadaama uu si xawaare leh dalka ugu faafayo, muhiimna ay tahay in laga wada shaqeeyo bed-qabka umadda.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this