Sign in to follow this  
Deeq A.

Koonfur Galbeed oo u digtay ganacsatadda

Recommended Posts

Deeq A.   

Baydhabo (SMN) – Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen, madaxweynaha maamul goboleedka Koonfur Galbeed, ayaa ganacsatada Soomaaliyeed uga digay in ay kordhiyaan maciishadda xili dalka uu ku jiro xaalad looga hortagyo Covid-19.

Laftagareen ayaa sheegay in aysan habooneyn in ganacsatadu ay ka faa’iideystaan marxaladda lagu jiro isla markaana ay sarre u qaadaan qiimaha badeecooyinka xili uu sheegay in dowladda federaalka ay canshuur dhaaf u sameysay badeecooyinka kasoo dega dekada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Maalmihii lasoo dhaafay waxaa sarre u kac laga dareemayey qiimaha maciishada daruuriga ah oo saameyn ku yeelatay dadka danta yar, balse dowladda dhexe waxay shaacisay in canshuur dhaaf ay u sameysay badeecooyinka qaar gaar ahaan kuwa quutul daruuriga ee kasoo dega dekada Muqdisho.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this