Deeq A. Posted April 16, 2020 Baydhabo (SMN) – Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen, madaxweynaha maamul goboleedka Koonfur Galbeed, ayaa ganacsatada Soomaaliyeed uga digay in ay kordhiyaan maciishadda xili dalka uu ku jiro xaalad looga hortagyo Covid-19. Laftagareen ayaa sheegay in aysan habooneyn in ganacsatadu ay ka faa’iideystaan marxaladda lagu jiro isla markaana ay sarre u qaadaan qiimaha badeecooyinka xili uu sheegay in dowladda federaalka ay canshuur dhaaf u sameysay badeecooyinka kasoo dega dekada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya. Maalmihii lasoo dhaafay waxaa sarre u kac laga dareemayey qiimaha maciishada daruuriga ah oo saameyn ku yeelatay dadka danta yar, balse dowladda dhexe waxay shaacisay in canshuur dhaaf ay u sameysay badeecooyinka qaar gaar ahaan kuwa quutul daruuriga ee kasoo dega dekada Muqdisho. View the full article Share this post Link to post Share on other sites