Sign in to follow this  
Deeq A.

Dowladda Soomaaliya oo xaqiijisay inay bukaanno Kale u geeriyoodeen Xanuunka Coronavirus

Recommended Posts

Deeq A.   

Dowladda Soomaaliya oo xaqiijisay inay bukaanno Kale u geeriyoodeen

Xanuunka Coronavirus

Kenyan health workers wear protective suits during a demonstration for preparations for any potential cases of the new coronavirus dubbed COVID-19, at the Mbgathi District hospital in Nairobi on March 6, 2020

Dhaqaatiirta waxay ka mid yihiin dadka halista ugu jira in ay qaadaan fayraska corona.

Dowladda Soomaaliya ayaa xaqiijisay inay geeriyoodeen saddex qof oo ka mid ah dadkii uu gudaha dalka ku haleelay cudurka COVID-19.

Tirada guud ee dadka Soomaaliya ugu dhintay fayraska corona ayaa noqoneysa 5 ruux.Wasiirka Caafimaadka iyo daryeelka bulshada xukuumadda federaalka Soomaaliya, Fowsiya Abiikar Nuur, ayaa warbxinta maalinlaha ah ee arrimaha COVID-19 ku sheegtay in sidoo kale la diiwaan geliyay 20 kiis oo cusub.

Tirada guud ee xaaladaha COVID-19 ee Soomaaliya laga diiwaan geliyay ayaa gaaray 80.Fowsiya Abiikar Nuur ayaa ugu baaqday dadka Soomaaliyeed inay si saxan u qaataan talooyinka caafimaad ee qaybta ka ah qorshaha xakameynta cudurka.

Waxay intaa ku dartay in uu “si xawaare leh dalka uu ugu faafayo, muhiimna ay tahay in laga wada shaqeeyo bed-qabka umadda”.

Soomaaliya waxay diyaarisay xarumo lagu karantiilo dadka qaba Covid-19Soomaaliya waxay diyaarisay xarumo lagu karantiilo dadka qaba Covid-19

Dowladda Soomaaliya ayaa xaqiijisay in ay laba-laabantay tirada dadka uu cudurka Covid-19 ku haleelay gudaha dalka oo ay haatan gaartay 60 qof.

Tiradaas ayaa aad sare ugu kacday ka dib markii 24-tii saacadood ee la soo dhaafay la xaqiijiyay in 35 qof oo hor leh oo ku nool gudaha dalka laga helay xanuunka, kuwaas oo ay dowladdu sheegtay inay ku jiraan saddex kiis oo laga helay Jamhuuriyadda goonni isu taageeda ku dhawaaqday ee Somaliland.

Waa tiradii ugu badneyd ee maalin keli ah ay shaaciso dowladda Soomaaliya tan iyo markii la soo tabiyay kiiskii ugu horreeyay ee cudurka Coronavirus.

Ra’iisul Wasaaraha dowladda Soomaaliya, Xasan Cali Khayre oo shirka guddoomiyay kulan ay yeesheen guddiga gaarka ah ee la dagaallanka Coronavirus ayaa sheegay in uu “faray wasiirrada Qorsheynta, gargaarka iyo arrimaha gudaha in Hey’adaha dalka ka howl gala ay ku war geliyaan inay u gargaaraan dadka danta yar ee dhibaatadu kasoo gaareyso saameynta COVID-19”.

“Ganacsatada Soomaalida ayuu Ra’iisul Wasaaruhu ka codsaday inay qaybtooda ka qaataan kaalmeynta dadka nugul”, ayaa lagu yiri warsaxaafadeed ka soo baxay xafiiska Khayre.

Tallaabooyinka lagu xakameynayo Coronavirus

  • Waxaa la hakiyay duulimaadyada
  • Tababar la siinayo shaqaalaha caafimaadka
  • Waxaa la xiray Iskuulada iyo dusgiyada Qur’aanka
  • Muqdisho waxaa lagu soo rogay bandow habeenkii ah
  • Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya oo hogaaminayo guddiga ka hortagga Covid-19 wuxuu shaaciyay $5 Malyan oo doollar oo xaaladda wax looga qabanayo.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this