Sign in to follow this  
Deeq A.

Sidee ayuu u dhaqan-galay bandowgii Muqdisho ka billowday xalay? + Sawirro

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa xalay magaalada Muqdisho ka bilowday, kana dhaqangalay bandowga xilliyada habeenkii soconaya, ee ay ku soo rogtay Dowladda Federaalka Somaliya.

Dowladda Federaalka ayaa tallaabadan u qaaday, ka hortagga faafitaanka xanuunsidaha COVID-19, ee uu keeno Coronavirus.

Wadooyinka Magaalada Muqdisho ayaa waxaa lagu soo daadiyay ciidamo fara-badan, si ay u dhaqangaliyaan xaaladda bandowga, waxaana war wanaagsan noqday, sida ay dadku ugala shaqeeyeen laamaha ammaanka dhaqangalintiisa.

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, General Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar) ayaa dadka reer Muqdisho ka codsaday inay u hoggaansamaan awaamiirta qaranka.

Bandowga oo bilaabanaya 8:00 fiidnimo habeen kasta ayaa ku eg xilliga waabariga ee 5:00am. Bandowga wax saamayn ahi kuma yeelan doono goobaha lagu iibiyo raashiinka, gaadiidka gurmadka deg-degga iyo xarumaha caafimaadka.

Muuqaalo laga soo qaaday wadooyinka ayaa muujinaya sida ay wadooyinka u haawanayan, marka laga soo taggo in ay ku sugan yihiin ciidamada amniga, ee dhaqangalinta bandowga xaqiijinaya.

Magaalada Muqdisho ayuu xalay xaalkeeda ka duwanaa habeenadii la soo dhaafay, waxayna tani dadka soo xusuusisay xilligii Midowga Maxkamadaha Islaamiga iyo Dowladdii Cabdullaahi Yuusuf Axmed, oo magaalada bandow ku soo kala rogay sanadihii 2006 iyo 2007.

Tan iyo markii ay dhacday Dowladdii Militariga ayuu bandowgan noqonaya kiisii saddexaad, ee ka dhaqangala Magaalada Muqdisho.

EVqsY7EWkAAEYNi.jpeg EVqsZJXWkAAhcZ0.jpeg EVqsZYYXkAAhusO.jpeg kormerka-1.jpg kormerka-7.jpg kormerka..jpg kormerka-8.jpg kormerka-11.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this