Sign in to follow this  
Deeq A.

Africom oo beenisay warar ay Al-Shabaab ka faafiyeen dilka Cabaas Maxamed, soona bandhigtay xog qarsaneyd

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliska Ciidamada Mareykanka ee Africa ee AFRICOM ayaa ka hor-yimid “been” ay warbaahinta Al-Shabaab ka faafiyeen dilka sarkaal 10-kii April lagu dilay duqeyn ka dhacday degmada Jamaame ee gobolka Jubada Hoose.

Mareykanka ma aysan shaacin magaca ninkaas, hase yeeshee dowladda Soomaaliya iyo Al-Shabaab ayaa labadaba magaciisa ku sheegay Cabaas Maxamed Xaaji, waxaana warbaahinta Al-Shabaab ay sheegeen inuu ahaa Suldaankii beesha Jareerweyne ee gobalada Jubbooyinka.

“Eedeymahan waa kuwa saldhig u ah dacaayadda Al-Shabaab, waana been,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxa AFRICOM.

“Argagixiyaha lagu dilay duqeyntii 10-ka April, wuxuu ahaa xubin Al-Shabaab oo ku lug lahaa dilka lix qof oo ahaa Soomaali aan waxba galabsan.”

AFRICOM ayaa sheegtay in ninkan uu waxyar ka hor inta aan duqeynta lagu dilin uu xaafad ku taalla Jubadada Hoose kusoo bandhigay meydadka askar ka tirsan Ciidanka Xoogga Soomaaliyeed.

“Kadib markii uu gaystay ficilan xaasidnimada iyo cabsi gelinta ah, argagixiyahan Al-Shabaab wuxuu ka tegay xaafadda. Kadib markii uu cidlo ku noqday deegaan gaar ah, waxaa lala beegsaday oo lagu khaarijiyey duqeyn ay fulisay AFRICOM, ayada oo la kaashanayo dowladda federaalka ah ee Soomaaliya,” ayaa lagu yiri qoraalka.

“Ma jirin shacab aan waxba galabsan. Wuxuu gaystay ficil dambi-dagaal ah isaga oo dhulka ku jiiday meydad si uu u cabsi geliyo shacab Soomaali ah oo aan waxba galabsan si ay isku dhiibaan,” waxaa sidaas yiri agaasimada howl-gallada AFRICOM Maj. Gen. William Gayler.

AFRICOM ayaa sheegtay in ayada oo ay wiiqeeyn howl-gallada Ciidanka Xoogga iyo kuwa AMISOM, ay Al-Shabaab iminka si sii kordheysa “isugu halleeneyso beenta iyo dacaayadda, oo ay ku jiraan sii deynta sawirro aan la xaqiijin oo ah khasaare shacab, si ay u hesho dareenka warbaahinta, una qiyaameyso shacabka Soomaaliyeed.”Africom oo beenisay warar ay Al-Shabaab ka faafiyeen dilka Cabaas Maxamed, soona bandhigtay xog qarsaneyd

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this