Sign in to follow this  
Deeq A.

Bandowgii magaalada Muqdisho oo dhaqan-galay

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (SMN) – Waxaa caawa si rasmi ah uga dhaqan-galay magaala madaxda Soomaaliya ee Muqdisho bandowgii ay soo rogtay dowladda.

Goobaha ganacsiga, isu socodka dadka iyo gaadiidka ayaa joogsaday, waxaana hubiyey in uu fulay bandowga mas’uuliyiin kala duwan.

Bandowga oo bilowday labada fiidnimo ayaa wuxuu ku eg-yahay lixda aroornimadda, sidda uu sheegay Taliska Booliska Soomaaliyeed.

Talaabadan ayaa qeyb ka ah ololaha looga hortagayo in fayruska Corona uu ku faafo magaaladda xili kiisaska la xaqiijiyey ay sii marayaan 80 xaaladood.

Wasaaradda Caafimaadka ayaa dadweynaha ka codsatay in ay u hogaan-samaan talooyinka loo jeediyey ee ku saabsan xakameynta cudurka dilaaga ah.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this