Deeq A. Posted April 15, 2020 Muqdisho (SMN) – Wasaaradda Caafimaadka dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa warbixin cusub waxay kasoo saartay xaalada Coronavirus ee dalka. Hoos ka akhriso bayaanka Warbixin Cusub: Xaaladda Corona ee Dalka Wasaaradda Caafimaadka & Daryeelka Bulshada iyadoo gudanaysa waajibka ka saaran inay la wadaagto bulshada Soomaaliyeed hadba waxii kasoo kordha xaalada Caabuqa COVID-19, waxay idinla wadaagaysaa qodobadan: > Kadib baaritaan xaqiijineedyo cusub oo la sameeyay 24kii saacadood ee dumabaysay, waxaa soo kordhay 20 xaaladood oo cusub, taas oo ka dhigaysa tirada guud ee xaaladaha la xariira Caabuqa COVID-19 80 xaaladood. > Waxaan bulsahda kula dardaarmaynaa inay taxadaraan, guryahoodana joogaan dadka da’da ahna si gaar ah uga taxdaraan. > Haddii aad isku aragto calaamadaha Caabuqa COVID-19, isku karatiil meel gaar ah, kana fogow xubnaha kale ee qoyska, lana xariir 449 si laguu siiyo talo caafimaad. Tirada guud kiisaska la xaqiijiyay: 80 Kiisaska cusub maanta: 20 Tirada Bogsootay: 2 Tirada Dhimashada: 5 View the full article Share this post Link to post Share on other sites