Sign in to follow this  
Deeq A.

DF oo xaqiijisay Bukaanno kale u geeriyoodey COVID-19

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (SMN) – Dowladda Soomaaliya ayaa xaqiijisay inay geeriyoodeen sedax qof oo kamid ah dadkii uu gudaha dalka ku helay cudurka COVID-19, taas oo tirada guud ee dhimashada ka dhigeysa 5 ruux.

Wasiirka Caafimaadka iyo daryeelka bulshada xukuumadda federaalka Soomaaliya, Fowsiya Abiikar Nuur, ayaa warbxinta maalinlaha ah ee arrimaha COVID-19 ku sheegtay in sidoo kale la diiwaan geliyay labaatan xaaladood oo cusub. Tirada guud ee xaaladaha COVID-19 ee dalka laga diiwaan geliyay ayaa gaaray 80 xaaladood.

Marwo Fowsiya Abiikar Nuur ayaa ugu baaqday dadka Soomaaliyeed inay si saxan u qaataan talooyinka caafimaad ee qaybta ka ah qorshaha xakameynta cudurka maadaama uu si xawaare leh dalka ugu faafayo, muhiimna ay tahay in laga wada shaqeeyo bed-qabka umadda.

Dowladda Soomaaliya oo daryeelka bulshada uu u yahay muhiimadda Koowaad ayaa dadaal xooggan ugu jirta xakameynta cudurkaan COVID-19 ee dhibaatada badan ku haya caalamka.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this