Sign in to follow this  
Deeq A.

Thaabit Cabdi oo ka digay hal arrin oo ka dhici karta bandowga Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyihii hore ee gobolka Banaadir Thaabit Cabdi Maxamed ayaa waxa uu shacabka iyo ciidamada usoo jeediyey talooyin ku aadan bandowga caawa 8-dii habeenimo ka billaabanaya magaalada Muqdisho.

Qoraal uu bartiisa facebook soo dhigay ayuu Thaabit ku yiri “Madaama uu caawa Bandoow u bilaabanayo dadka ku nool magaalada Muqdisho, waxaa muhiim ah inuu jiro taxadar ballaaran oo dhinac walba ah. Waa iney shacabkeenu xusuusnaadaan in Bandoowgu ay keentay xaalad duruuri aha” ayuu yiri.

Thaabit ayaa sheegay in dadka Soomaaliyeed aysan horay u aqoon bandow, si lamid ah ciidamada dowladda Soomaaliya iyaguna aysan horay weli u dhaqan gelin bandow, taas oo uu tilmaamay in dhibaato ka imaan karto hadii aan laga taxadarin.

“Waxaan fahmi karnaa waxa ka imaan kara shacab aan horey bandoow u arag iyo ciidan aan iyaguna horey u fulin howl bandoow ah, sidaa darteed waxaan ciidanka fulinaya Bandoowga ugu baaqayaa iney shacabka si wanaagsan ula macaamilaan oo ay ogaadaan ujeeddada loo soo rogay bandoowga iney tahay NAF-BADBAADIN,” ayuu yiri guddoomiyihii hore ee gobolka Banaadir.

Thaabit Cabdi ayaa sidoo kale askarta kula dardaarmay in aan shacabka loo adeegsan rasaas iyo wax kale oo hor seedi kara dhibaato hor leh.

“Waa inaan shacabka loo adeegsan rasaas si loo xareeyo, taas oo haddii ay dhacdo keeni karta khasaaro ka badan midkii loo socday in la yareeyo. Waan wada ognahay in dhowr jeer ay dhimasho ka dhalatay muran dhex maray askar iyo shacab, sidaa awgeed inta lagu jiro bandoowgan askartu ha foojignaato, ha dhimriso, oo yaaney khasaaro cusub horseedin, maadama ay jiri karto duruuf lagama maarmaan ah oo muwaadinka ku qasbeysa in uu soo baxo” ayuu qoraalkiisa ku yiri.

Ugu dambeyntii duqii hore ee Muqdisho Thaabit Cabdi Maxamed ayaa codsi uu shacabka reer Muqdisho u soo jeediyey waxa uu ku yiri, “Shacabka waxaan ka codsanayaa iney awaamiirta ciidanka u hoggaansamaan oo aaney abuurin jawi isfaham-darro ah oo ay guryahooda gaaraan ka hor saacadda u bilaabanayo Bandoowga. Mar walba oo si wadajir ah loo shaqeeyo waxey suuragelisaa in ujeedka la gaaro”.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this