Sign in to follow this  
Deeq A.

Bandowga la saaray Muqdisho oo caawa dhaqan-galaya

Recommended Posts

Deeq A.   

Waxaa saacadaha soo socda lagu wadaa in Muqdisho uu si rasmi ah kaga dhaqan-galo bandow dowladda dhexe ay ku soo rogtay Caasimadda, si loo xakameeyo Covid-19

Bandowgaan ayaa wuxuu saameen doonaa guud ahaan magaalada Muqdisho, iyadoo uu istaagi doono isku socodka dadka iyo gaadiidka.

Sidoo kale waxaa la hakin doonaa goobaha ay dadka ay ku kulmaan, sida maqaayadaha lagu shaaxo iyo kuwa laga cunteeyo.

Koroneul Cabdi Aadan Barre oo ah khabiir dhinaca amniga ah ayaa sheegay in bandowgaan uu saameyn ku yeelan doono shacabka, marka loo eego dhaq dhaqaaqa habeenkii ah.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray inay fiicnaan laheyd in loo dhib-yareeyo shacabka oo uu tilmaamay inay u badan yihiin dad danyar ah.

Halkaan hoose ka dhageyso codka.

https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/04/Cod-Zakariye.mp3

 

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this