Deeq A. Posted April 15, 2020 Haweenay 50 sano ka hor ogaatay June Almeida Haweeneydii ugu horeysay ee ogaatay fayraska corona ee bina’aadamka ku dhaca ayaa ahayd gabadh uu dhalay nin darawal bas ahaa oo u dhashay Ireland. Gabadhan ayaa iskuula isaga tagtay iyada oo 16 sano jira ahayd. June Almeida ayaa noqtay haweenay sheybaarka ku ogaatay sawirada fayraska waxayna aad isugu mashquulisay ogaanshiyaha cudurka saf-mareenka ah ee imika caalamka ka jira. Covid-19 ayaa hadda ah fayras, balse waa nooc ka mid ah coronavirus oo ay horey shaaca uga qaaday Dr Almeida sannaddii 1964, taasi oo ay ku ogaatay sheybaarkeeda St Thomas oo ku yaalla magaalada London. Haweenaydan ku taqasustay cudurada fayraska ah ee faafa waxay dhalatay bishii June sannadkii 1930, waxayna ku kortay meel u dhaw Alexandra Park oo ku taalla waqooyiga-bari ee magaalada Glasgow. Coronaviruses waa koox fayrasyo ah kuwaas oo leh wax u eg koofida boqorka marka lagu eego qalabka shaybaarka. Iskuulka ayay isaga baxday, mana aysan lahayn waxbarasho aasaasi ah, balse waxay shaqo ka heshay sheybaar lagu magacaabo Glasgow Royal Infirmary. Markii dambe waxay u wareegtay magaalada London oo ay waxbarsho dheeraad ah ka heshay. Waxa ay guursatay sannadii 1954-tii nin u dhashay dalka Venezuela oo lagu agacaabay Enriques Almeida, oo farshaxanka sameeyay. Cilmi-baaridda Hargabka Lammaanahan iyo gabadhooda yar waxay u wareegeen magaalada Toronto ee dalka Canada waana halkaas meesha ay ku soo bandhigtay xirfaddeedii aadka u sareysay ee culuumta shaybaarka, sida uu sheegay George Winter, oo wax ka qora cilmiga caafimaadka. Waxay soo bandhigtay qaabka ugu wanaagsan ee lagu ogaan karo sawirka fayraska iyada oo la adeegsanayo shaybaaro casri ah. Winter ayaa BBC u sheegay in hibadeeda laga aqoonsaday dalka Britain, sannadii 1964 oo ay ka shaqaynaysay isbataalka St Thomas’s oo ku yaalla magaalada London, kaas oo ah isbataalka hadda lagula tacaalayo fayraska Covid-19, laguna daweeyay ra’isul wasaaraha Britain Boris Johnson. Waxaa ay sidoo kale la shaqaysay Dr David Tyrrell, oo sameynayay cilmi-baarid ku saabsan hargabka ama duriga. Dr Almeida ayaa sheegtay in ay jiraan feyrisyo la mid ah hargabka. Dhaqaatiirta waxay ka mid yihiin dadka halista ugu jira in ay qaadaan fayraska corona. Waxay farta ku fiiqday wax noqday Feyriskii ugu horeeyay ee coronavirus. June Almeida ayaa geeriyootay 2007, iyada oo ay da’deedu ahayd 77. 13 sano ka dib geerideedii waxay helaysa aqoonsi ku saabsan in ay tahay qofkii ka shaqeeyay in la fahmo fayraska hadda ku faafay caalamka oo dhan. Qaran News Share this post Link to post Share on other sites