Deeq A. Posted April 15, 2020 Waxaa maanta lagu aasay qabuuro ku yaalla Iskool Buluusiya fanaankii caanka ahaa ee Cumar Cabdulle Shooli oo xalay ku geeriyooday gudaha magaalada Muqdisho. Fanaanka oo 2-dii sano ee la soo dhaafay xanuunsanaa ayaa u geeriyooday cuduro is-biirsaday oo ay ka mid yihiin Dhiikar iyo Sokor, sida ay sheegeen caruurtiisa. Allaha u naxariistee marxuumka ayaa ifka uga tegay 21 ubad ah oo isugu jira gabdho iyo wiilal, kuwaas oo ku kala nool, gudaha dalka iyo dibaddiisa. Aaskiisa oo aan si weyn loo maamuusin, ayaa waxaa ka qeyb galay oo kaliya dad kooban oo tegay qabuuraha Iskuul Buluusiya oo fanaanka lagu aasay. Halkaan hoose ka dhageyso Warbixinta. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/04/WARKA-ISMACIL-TURKI-aaska.mp3 View the full article Share this post Link to post Share on other sites