Sign in to follow this  
Deeq A.

Marxuum Cumar Shooli oo lagu aasay magaalada Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Waxaa maanta lagu aasay qabuuro ku yaalla Iskool Buluusiya fanaankii caanka ahaa ee Cumar Cabdulle Shooli oo xalay ku geeriyooday gudaha magaalada Muqdisho.

Fanaanka oo 2-dii sano ee la soo dhaafay xanuunsanaa ayaa u geeriyooday cuduro is-biirsaday oo ay ka mid yihiin Dhiikar iyo Sokor, sida ay sheegeen caruurtiisa.

Allaha u naxariistee marxuumka ayaa ifka uga tegay 21 ubad ah oo isugu jira gabdho iyo wiilal, kuwaas oo ku kala nool, gudaha dalka iyo dibaddiisa.

Aaskiisa oo aan si weyn loo maamuusin, ayaa waxaa ka qeyb galay oo kaliya dad kooban  oo tegay qabuuraha Iskuul Buluusiya oo fanaanka lagu aasay.

Halkaan hoose ka dhageyso Warbixinta.

https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/04/WARKA-ISMACIL-TURKI-aaska.mp3

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this