Sign in to follow this  
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar

When the so-called 'leader' is marqaanweyne...

Recommended Posts

...excuses like this happen. One of the lamest excuses. It is about time dowladda dhexe la hadashaa dowladda Xabashada to stop their poison exportation. Read on.

_______________

'Soomaaliland' oo caddeysay in aysan awood u lahayn joojinta Qaadka

Soomaaliland ayaa gacmaha ka taagatay wax ka qabashada qaadka ka yimaada dalka Itoobiya, xilli ay sii kordhayaan kiisaska cudurka Coranavirus ee gudaha degaanadaas.

Inta la ogyahay illaa shan qof ayaa laga helay cudurka Covid19. Waxaa xusin mudan in Somaliland ay kaga duwan tahay qeybaha kale ee Soomaaliya, waxaa magaalooyinka caanka ah sida Hargeya, Berbera, Boorame iyo Burco laga helay cudurka.

Wasiirka warfaafinta Somaliland, Saleebaan Yuusuf Koore, ayaa saxaafada u sheegay in Somaliland aysan lahayn awood ciiddan oo ay ku joojiso Qaadka. Wuxuu tilmaamay ciiddamada ay haystaan in aysan ka badnayn sugida amniga gudaha.

“Waxaanu qiimeynay waayo aragnimadii badnayd ee labadii jeer ee jaadka la joojiyay, 1983, 1984 iyo  tii Ingriisku joojiyay ee 1950. Waxaan ku ogaanay in joojintu Qaadku u baahan tahay ciiddan valunteer ah,” ayuu yidhi Saleebaan Koore.  

Itoobiya oo ah meesha uu qaadka ka yimaado cudurka Coronavirus ayaa ka dillaacay, inkastoo fiditaankiisu yar yahay marka loo eego dalalka geeska Afrika sida Kenya iyo Jubuti oo cudurku aad ugusii faafayo.

Xigasho

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this