Miskiin-Macruuf-Aqiyaar Posted April 15, 2020 Madaalihii hobolada Waabeeri Cumar Shooli oo Muqdisho ku geeriyooday Fanaankii caanka ahaa, madaalihii hobolada qaranka Soomaaliyeed ee Waaberi, Cumar Cabdulle Shooli ayaa caawo ku geeriyooday magaalada Muqdisho, isagoo muddooyinkii ugu dambeeyay lagu dabiiyay isbitaalka Aadan Cadde. Fannaanka ayaa u geeriyooday cudurka Sonkorta oo muddo la dheer uu la noolaa, markii dambena sariirta soo jiifiyay, sida ay sheegeen qaar kamid ah carruurtiisa oo kula jiray isbitaalka Aadan Cadde, iyagoo ka cabanayay in Aabahood uu waayay garabkii dowladda Fannaanka oo maalmo kahor wareysi bixiyay, ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya uu ka waayay qaymihii uu qarankiisa ku lahaa, isagoo sheegay inaanu jirin hal masuul oo xaaladiisa caafimaad ka warqabay ama isbitaalka kusoo booqday. Guddoomiyaha golaha abwaaniinta Soomaaliyeed, Abwaan Xirsi Dhuux, ayaa sheegay Cumar Shooli iyo fanaaniinta lamidka ah inay hantidooda ahayd dhaxalkii faneed ee ay uga tageen qaranka Soomaaliyeed. Xigasho Quote Share this post Link to post Share on other sites
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar Posted April 16, 2020 Aaskiisa: Quote Share this post Link to post Share on other sites