Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaalihii hobolada Waabeeri Cumar Shooli oo Muqdisho ku geeriyooday

Recommended Posts

Deeq A.   
Madaalihii hobolada Waabeeri Cumar Shooli oo Muqdisho ku geeriyooday
sharethis sharing button
 2020414637224778720754502.jpg

Fanaankii caanka ahaa, madaalihii hobolada qaranka Soomaaliyeed ee Waaberi, Cumar Cabdulle Shooli ayaa caawo ku geeriyooday magaalada Muqdisho, isagoo muddooyinkii ugu dambeeyay lagu dabiiyay isbitaalka Aadan Cadde.

Fannaanka ayaa u geeriyooday cudurka Sonkorta oo muddo la dheer uu la noolaa, markii dambena sariirta soo jiifiyay, sida ay sheegeen qaar kamid ah carruurtiisa oo kula jiray isbitaalka Aadan Cadde, iyagoo ka cabanayay in Aabahood uu waayay garabkii dowladda

Fannaanka oo maalmo kahor wareysi bixiyay, ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya uu ka waayay qiimihii uu qarankiisa ku lahaa, isagoo sheegay inaanu jirin hal masuul oo xaaladiisa caafimaad ka warqabay ama isbitaalka kusoo booqday.

Guddoomiyaha golaha abwaaniinta Soomaaliyeed, Abwaan Xirsi Dhuux, ayaa sheegay Cumar Shooli iyo fanaaniinta lamidka ah inay hantidooda ahayd  dhaxalkii faneed ee ay uga tageen qaranka Soomaaliyeed.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this