Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog: Deeqdii Imaaraadka ka dejiyey Muqdisho oo la qawaday,Noqoteyna waxaan Somalia ugu fadhiyin UAE

Recommended Posts

Deeq A.   

Xog: Deeqdii Imaaraadka ka dejiyey Muqdisho oo la qawaday,Noqoteyna waxaan Somalia ugu fadhiyin UAE

Xog: Deeqdii Imaaraadka ay shalay keeneen Muqdisho oo noqotay wax aan la fileyn
Wrabaahinta ayaa xog ka heshay wixii ay siday diyaaradii ay soo dirtay dowladda Imaaraadka ee shalay kasoo degtay garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, taas oo dowladda Soomaaliya ay sheegtay in ay keentay deeq caafimaad oo uga timid Imaaraadka Carabta.

Diyaaradda ayaa waxaa saarnaa 23 tan oo lagu sheegay agab caafimaad oo looga hor-tago cudurka Coronavirus.

Hase yeeshee, xubno ka tirsan wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya iyo tan caafimaadka ayaa Warbaahinta u sheegay in markii la furay Kartoonada laga waayey wax dawo ama qalab kale oo caafimaad, balse ay siday oo kaliya Saabuunta gacmaha lagu maydho.

Arrintan ayaa la sheegay inay ka yaabisay mas’uuliyiinta Somalia.

Saraakiisha warka soo dusisey ee ka tirsan wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya waxa ay sheegeen, xataa in aysan xaqiijin karin in Saabuunta Imaaraadku ugu deeqay Soomaaliya ay tahay mid dili karta fayruska korona, si la mid ah alkolada.

Caadiyaan saabuunta gacmaha ayaa loo adeegsadaa kaliya nadaafadda, waxaana badanaa la dhigaa musqulaha, mana cadda in midda Imaaraadka ay ka duwan tahay saabunahaa maadaama aan weli la tijaabin.

Arrintaan ayaa waxa ay aad uga yaabisay mas’uuliyiinta dowladda Soomaaliya oo iyagu markii hore sheegay in dowladda Imaaraadka ay kala wareegeen deeq caafimaad oo iskugu jirta dawooyin iyo qalab kale oo lagula tacaalo cudurka Coronavirus.

Xidhiidhka Soomaaliya iyo Imaaraadka ayaan caga badan ku taagneyn tan iyo horraantii sanadkii 2018-kii, waxuuna gargaarkaan noqonayaa kii ugu horeeyey ee Imaaraadku kasoo dejiyo Muqdisho, intii uu jiray madmadowga siyaasadeed ee xukuumadaha Muqdisho iyo Dubai.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this