Sign in to follow this  
Deeq A.

Lafta-gareen oo xilal dhowr ah u magacaabay dad ku beel ah madaxweynaha

Recommended Posts

Deeq A.   

Xilli ay taagan tahay doodda ka dhalatay sadbursiga lagu sameeyay Beelaha Mogadishu Clan ee degga Gobolka Shabellaha Hoose ayaa waxaa hadana isa soo taraya xilalka ay Beesha Madaxweyne Farmaajo ka qabanayso Maamulka Koonfur Galbeed, taasoo loo sababeeyay, iyadoo ay yihiin reer abtiyaasha Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen).

Tan iyo markii uu xafiiska la wareegay Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayuu maamulka ku soo kordhiyay in ay xilal ka qabtaan dad deegaan ahaan ka soo kala jeeda Gobolada Gedo & Galgaduud.

Beeshan ayaa markii ugu horeysay xubin baarlamaan ka heshay Baarlamaanka Koonfur Galbeed, iyadoona uu ku metelo Xildhibaan Abshir Diiriye Nuur.

Madaxweynaha ayaa Cabdirashiid Doolow u magacaabay inuu noqdo La taliyaha Wasiirka Amniga Koonfur Galbeed, Isaaq Cali Subag.

Saciid Maxamed Xuseen ayuu Madaxweynuhu u magacaabay La taliyihiisa dhinaca Ciidanka Xoogga Dalka.

Cabdirisaaq Kaahiye Xuseen waxaa loo magacaabay La taliyaha Wasaaradda Dhalinyarada & Cayaaraha Koonfur Galbeed.

Xubnahan ayaa dhammaantood ku heyb ah Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, waana markii ugu horeysay oo ay si muuqato uga soo dhex muuqdaan Madaxtooyada Koonfur Galbeed, tan iyo markii maamulkaasi la aasaasay lix sano horteed.

Dhanka kale Madaxweyne Lafta-gareen ayaa waxaa daba-yaaqadii bishii hore ee March ashtako ahaan ugu tagay wafdi Wasiiro iyo Xildhibaano oo ka soo jeeda Beelaha Mogadishu Clan, iyagoo ka ergaynayay beelahaasi oo lagu duudsiiyay saamigoodii Baarlamaanka, markii la soo koobay. Madaxweynaha ayaana ugu carab laalaadiyay in uu wax ka qaban doono, tiiyoo ay hadaba muuqato inaanu wadadeedii ku taagneyn.

Waxa dadka badankii ay hadda fillayaan ayaa ah inaanan waxba laga bedelin qaabka lagu soo dhisay Golaha Wakiilada Koonfur Galbeed, hase ahaatee ay macquul tahay in Madaxweynuhu uu isu shaandhayn ku sameeyo Golihiisa Wasiirada, markaasoo ay markii ugu horeysay xilal ka qaban doonaan reer abtiyaashii.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this