Sign in to follow this  
Deeq A.

Fanaan Cumar Shooli oo ku geeriyooday Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (SMN) – Hobolkii caanka ahaa ee Al Fanaan Cumar Shooli ayaa caawa ku geeriyooday isbitaal ku yaala magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.

Marxuumka ayaa lagu waramay in maalmihii lasoo dhaafay uu ku xanuunsanayey caasimadda dalka isla markaana uu koomo ku jiray.

Wiilkiisa, Axmed, oo geerida aabihii u xaqiijiyey idaacadda Shabelle, ayaa sheegay in uu la xanuunsanaa xanuuno ay kamid yihiin Sokor iyo Dhiigkar.

Shacabka Soomaaliyeed iyo bahdiisa fanka ayaa tacsi tiiraanyo leh waxay u direen ehelkiisa, iyagoo u rajeeyey bedel wanaagsan.

Cumar Shooli ayaa kamid ahaa fanaaniinta Soomaalida kuwooda loogu jecel yahay, wuxuuna qaadey hees kala duwan oo hirgalay, kuwaasoo aad loo jeclaaday.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this