Sign in to follow this  
Deeq A.

Jubbaland oo Baaq u Jeedisay Ganacsatada Kismaayo

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasiirka wasaaradda ganacsiga dowlad goboleedka Jubbaland mudane Cabdinuur Cali Aadan ayaa ugu baaqay ganacsatada deegaanada Jubbland gaar ahaan kuwa magaalada Kismaayo in aysan qaaliyeeyn raashinka quutul daruuriga ah.

Wasiirka ayaa sheegay in talaabo laga qaadi doono cidii ka dhaga adeegta awwaamiirta kasoo baxday dowlad gobaleedka Jubbaland, isagoo digniin u diray kuwa aan illaa hadda fulin amaradii hore uga soo baxay maamulka.

Magaalada Kismaayo ayaa waxaa laga dareemayaa sara ukac ku yimid raashinka qutul daruuriga ah iyadoo adduunka uu dhibaato xoogan ku haayo cudurka karoona fayris, waxaana madaxda dowladda dhexe iyo kuwa maamul goboleedyada ay ganacsatada uga digeen in ay ka faa’iideystaan daruufta lagu jiro.

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this