Sign in to follow this  
Deeq A.

Xildhibaano ka tirsan BF oo ka hadlay qalab la sheegay inuu qaatay madaxweyne Farmaajo iyo xariga Gurbiye

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaano ka tirsan baarlamanka Soomaaliya ayaa ka hadlay qalab la sheegay inuu madaxweyne Farmaajo qaatay iyo xariga weriye Cabdicasiis Axmed Gurbiye oo ka tirsan warbahainta Goobjoog.

Weriye Gurbiye ayaa la xiray maanta, mana cadda ilaa iyo hada sababta xarigiisa ka dambeysa, hase yeeshee shalay wuxuu bartiisa facebook kusoo qoray  in madaxweyne Farmaajo “uu qaatey” ventilator (mashiinka neefta siiya sanbabada marka shaqada joojiyaan) loogu deeqay Isbitaal Martiini!

Xildhibaan Axmed Macallin Fiqi oo arrintan ka hadlay ayaa yiri: “Madaxtooyada kuma ogayn In ay tahay meel bukaanada la seexiyo, haddii aan umadda xog-jirta oo kale laga qarinayn!. Fal-ciqaabeed kama ratibmayo haddii la sheego qalabka neef siinta oo madaxweyne Farmaajo nafjecleysi uga qaatay isbitaal Martiini oo dadku ay u la’anayaan qalabkaas la’aantiis.”

Fiqi oo u muuqda inuu si gaar ah usii xaqiijinayo eedeymaha ka dhanka ah madaxweynaha ayaa yiri “Cid kasta oo Martiini joogta ayaa kuu sheegaysa In qalabkaas xafiiska madaxweynuhu uu halkaas ka qaatay loona heystay in la soo celin doono laakin ay cadaatay inaan la soo celinayn ka dib markii nin Mas’uul ahi uu ugu dhintay halkaas ventilator la’aan!”

“Waxaa nasiibdarro weyn ah In aan madaxweynuhu ka damqayn muwaadiniinta u dhimanaysa baahi ay u qabaan qalabka agtiisa yaalla laakin uu ka damqayo war xaqiiq ah oo uu wariye qoray! Fadlan xoriyadiisa dib ugu soo celi wariyaha waad ka gardaran tihiine! Ventilatorkana isna hala soo fasaxo baahi uma qabtiine?!!”

Dhinaca kale, xildhibaan Mahad Salaad ayaa yiri “Wariye Cabdicasiis Xorriyadiisa si degdeg ah ha loogu soo celiyo, Madaxweyne Farmaajona mashiinka ha soo celiyo!”

Mahad Salaad ayaa intaas ku daray in amarka lagu xiray wariyaha “ay bixisay Madaxtooyada Soomaaliya, kadib markii shalay wariye Cabdicasiis qoray in Madaxweyne Farmaajo qaatay mashiin loogu deeqay dadka qaba cudurka Covid-19 ee ku karantiilan Isbitaal Martiini.”

Mahad Salaad ayaa intaas ku daray “Shalay ayaa waxaa tagay Isbitaal Martiini mas’uuliyiin ka socda Madaxtooyada Soomaaliya, waxayna gaba-gabeeyeen shaqaalaha Isbitaal Martiini, waxaana la waydiiyay su’aalo la xiriira cida sheegtay mashiinkaan in Isbitaalka laga qaaday Madaxtooyadana la geeyay.”

“Haddaba, waxaan ugu baaqaynaa hay’adaha amniga iyo Madaxweynaha Soomaaliya in Cabdicasiis xorriyadiisa si degdeg ah loogu soo celiyo. Aanan lagu xadgudbin xorriyada hadalka iyo xuquuqda wariyeyaasha Soomaaliyeed ee ku shaqeeya daruufo aad u adag. Sidoo kale waxaan kula talinaynaa Madaxweynaha hadii uusan rabin in wax laga sheego in uu si degdeg ah ku soo celiyo mashiinka laga qaaday Isbitaal Martiini ee Madaxtooyada la geeyay. Sababtoo ah baahida cabsi ee Madaxtooyada kajirta mid ka daran oo waliba dhab ah ayaa kajirta Isbitaalada Mogadishu. Waana sababta dad mas’uuliyiin ah ugu geeriyoodeen Isbitaal Martiini baahi loo qabo mashiinkaan daraadeed,” ayuu yiri Mahad Salaad.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this