Deeq A. Posted April 14, 2020 Wasiirka wasaaradda amniga Dowlad-Goboleedka Hirshabeelle Xilibaan, Maxamed Cabdiraxmaan Kheyre oo goor dhaw lahadlay warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in Caawa Salaada Cisho wixi ka dambeeya degaannada Hirshabeelle uu ka dhaqan gali doono Bandow socon doona illaa Salaadda Subax, kaas oo looga golleeyahay ka hortaga Cudurka Covid19. Laamaha amniga Hirshabeelle ayuu Wasiirka ugu baaqay inay dhaqan galiyaan amarrada lagu soo rogay degaannada Hirshabeelle Wasiirka ayaa mas’uuliyiinta 2 da Gobal ugu baaqay inay ka qey qaataan la dagaallanka qaadka oo si qarsoodi ah loosoo galiyo qeybo ka mid ah Hirshabeelle. Goobjoog News Source: goobjoog.com Share this post Link to post Share on other sites