Deeq A. Posted April 14, 2020 Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa agab caafimaad ugu deeqday dowladda Soomaaliya, si looga hortago faafidda xanuunka Coronavirus. Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Fawsiya Abikar Nuur, ayaa maanta oo Talaado ah kula wareegtay gegidda diyaaradaha caalamiga ee Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho shixnad agab caafimaad oo 23.4 Tan oo ay soo dhiibtay Dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta, oo ay ku jireen maaskaro, dareeraha gacmaha lagu nadiifiyo iyo galoofyada ilaalinta leh si wax looga qabto faafidda cudurka safmarka ah ee Coronavirus. Dowladda Soomaaliya ayaa uga mahadcelisay dowladda Imaaraadka kaalmadooda caafimaad, waxayna sheegay in ay u aragto haddiyad muujinaysa heerka wanaagsan ee xiriirka u dhexeeya labada dal iyo labada shacab ee walaalaha ah, sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay Wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya.Munaasabadda lagu guddoomayay kaalamadani ayaa waxaa goob-joog ka kala ahaa Wasiirka Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka, Mudane Xamsa Siciid Xamsa iyo Wasiiru dowlaha arrimaha dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdiqaadir Axmed-Khayr Cabdi. PUNTLAND POST The post Imaaraadka oo agab caafimaad ka dajiyey Muqdisho appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites