Deeq A. Posted April 14, 2020 Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax khasaare geystay oo barqanimadii maanta ka dhacay agagaarka isgoyska Fagax ee magaalada Muqdisho. Qaraxa oo ahaa nooca miinada ayaa la sheegay in lala damacsanaa gaari Cabdi Bile ah oo ku socdaalayey wadada aada dhanka xaafadda Jamhuuriyaha ee degmada Kaaraan. Warar ay heshay Shabelle ayaa sheegaya in gaariga uu saarnaa sarkaal lagu magacaabo Saney Cabdulle Gaab oo ka tirsan ciidamada milatariga Soomaaliya Qof goobjooge ah oo la hadlay Idaacadda Shabelle ayaa ka waribixiyey, wuxuuna tilmaamay in qaraxaasi uu ku dhintay hal qof, saddex kalena ay ku dhaawacmeen. Halkaan hoose ka dhageyso codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/04/qaxa.mp3 View the full article Share this post Link to post Share on other sites