Deeq A. Posted April 14, 2020 Ciidaamada Dowladda iyo kuwa Booliska Hirshabelle ayaa xiray xuduuda uu gobolka Hiiraan la wadaago Itoobiya, kaasi oo muddooyinkaan Qaad laga soo gudbinayey. Sidoo kale ciidamada ayaa maanta howlgallo lagula dagaalamayo qaadka waxa ay ka sameeyeen Beledweyn, iyadoo ganacsatada keenta iyo kuwa uga ganacsado gudaha magaalada lagu war geliyay in ay xarig iyo lacag ganaax ah mutaysan doonaan cidii jabisa amaradda laga soo saaray. Dowladda federaalka iyo maamul goboleedyada dalka ayaa dadaal ugu jira ka hortaga xanuunka Covid-19, kaasi oo kiisaska laga helay dalka ay gaarayaan illaa 60 ruux . View the full article Share this post Link to post Share on other sites