Sign in to follow this  
Deeq A.

Wariye Cabdicasiis Gurbiye oo Lagu Xiray Saldhigga Degmada Hodan ee Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Ku  xigeenka Agaasimaha Goobjoog Media Group ayaa  xabsi loo taxaabay , ka dib markii looga yeeray xarunta Degmada Hodan ee magaalada Muqdisho.

Cabdicasiis Axmed Gurbiye  ku xigeenka Agaasimaha ayaa ilaa iyo  hada aan la ogayn sabaha xarigiisa ka dambeeya.

Agaasimaha Goobjoog Media Group  Xasan Maxamed Maxamuud  ayaa xaqiijiyay xariga Cabdicasiis Gurbiye kaas oo meel ku dhac ku ah xoriyatul qowlka iyo madax bannaanida warbaahinta.

Maamulka degmada Hodan ilaa iyo hada wax war ah oo la xiriira xariga Cabdicasiis Gurbiye kama soo bixin.

Maamulka Goobjoog Media Group ayaa wada dadaalo lagu doonayo sidii lagu sii dayn lahaa Agaasime ku xigeenka Goobjoog Cabdicasiis Axmed Gurbiye.

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this