Sign in to follow this  
Deeq A.

DF oo laga dalbaday inay si deg-deg ah u qalabeyso isbitaalka Martiini

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – War-saxaafadeed ka soo baxay ururka dhaqaatiirta Soomaaliyeed ayaa waxaa looga hadlay xaaladda dalka, gaar ahaan cudurka COVID19.

Ugu horreyn ururka ayaa walaac ka muujiyey faafitaanka cudurka, kadib markii shalay wasaaradda caafimaadka ay shaacisay kiisaskii ugu badnaa ee xanuunkaasi.

Sidoo kale uruka dhaqaatiirka Soomaaliyeed ayaa tilmaamay in dadka laga helay cudurka Coronavirus ay ka mid yihiin shaqaalaha wasaaradda caafimadka, taas oo kor u qaadeysa walaaca laga qabo cudurka COVID-19 oo fara ba’an ku haya caalamka.

Ururka dhaqaatiirka Soomaaliyeed ayaa sidoo kale dalbaday in si deg-deg ah loo qalabeeyo isbitaalka Martiini, loona diyaariyo shaqaale caafimaad, kadib markii ay soo baxeen warar sheegaya in xaalad halis ah iyo daryeel la’aan ay ka jirto isbitaalkaasi.

“In Si deg deg ah loo qalabeeyo isbitaalka (De-mertino Hospital) loona dhameystiro wax yaabaaha asaasiga ah ee isbitaal looga baahanyahay sidoo kalane si deg deg ah loo diyaariyo shaqaalihii caafimaad ee ka shaqeyn lahaa loona dhameystiro dhamaan waxyaabaha laga maarmaanka u ah oo ey ku shaqeyn lahaayeen sida qalabka PPE, N95, FACE MASK, GLOVES iyo wixii kale oo ey u baahdaan”ayay ku taliyeen Dhaqaatiirtu

Ugu damgeyn waxay ku baaqeen in loo midoobo la dagaalanka cudurkaan, lana helo siyaasad mideysan, si looga hortago faafistiisa.

“In lahelo siyaasad midaysan loogana hortagayo xaaladda Xanuunka COVID-19 ayna hormuud ka noqdaan kaadiriinta Caafimaadka Dalka maadaama ey yihiin dadkii u lahaa aqoonta iyo khibradda labadaba”.

Halkaan ka aqri Talooyinka Ururka Dhaqaatiirta Soomaaliyeed.

KU: MADAXWEYNAHA DOWLADDA FADARAALKA SOMAALIYA
KU: RAYSULWASARAHA DOWLADDA FADARAALKA SOMAALIYA
OG: WASIIRKA WASARADA CAAFIMAADKA IYO DARYEELKA BULSHADA DFS
UJEEDO: TALO-SOOJEEDIN MUHIIM AH OO KU WAJAHAN CUDURKA COVID-19
Ururka Dhakhaatiirta Soomaaliyeed wuxuu walwal badan ka muujinayaa xaalada cudurka COVID19 ee dalka Soomaaliya, gaar ahaan maalmihii ugu danbeeyay oo ey soo bateen bukaanada laga
helay xanuunka eyna kana mid noqdeen shaqaalaha wasaarada caafimadka, sidoo kalena ee
bukaanadii ugu horeeyay ee u dhinteen Xanuunka ayna Wasaarada Caafimadka Soomaaliya ku
dhawaaqday in ay billaabatay in xanuunku ku faafay Bulshada Dhexdeed ( Community
Transmission) taa oo ey ka dhalan karto in ay aad u bataan bukaanada uu soo ridanayo xanuunka
COVID-19 maalmaaha soo socdo. Sidaas darted ururka dhkhaatiirta somaliyeed waxuu u soo
jeedinayaa dhamaan Madaxda Qaranka sida Madaxweynaha, Raiswasaaraha, Wasiirka Caafimadka
Soomaaliya iyo qof walba oo qeyb ka ah howlaha looga hortagayo Xanuunka COVID-19
talooyinka soo socda:
1. In Si deg deg ah loo qalabeeyo isbitaalka (De-mertino Hospital) loona dhameystiro wax
yaabaaha asaasiga ah ee isbitaal looga baahanyahay sidoo kalane si deg deg ah loo diyaariyo
shaqaalihii caafimaad ee ka shaqeyn lahaa loona dhameystiro dhamaan waxyaabaha laga
maarmaanka u ah oo ey ku shaqeyn lahaayeen sida qalabka PPE, N95, FACE MASK, GLOVES
iyo wixii kale oo ey u baahdaan. Ururka dhakhaatiirta Soomaaliyeed wuxuu diyaar u yahay inuu
ku taageero Aqoon, Farsamo ,Hogaamin,iyo wixii kale loo baahanyahay.
Date: 13-04-2020
Mogadishu- Somalia
نقـابة أطبـــــــاء
الص

ــــومال
مقديشوا ـ ال صومال
URURKA DHAKHAATIIRTA SOOMAALIYEED
Ref: GCCSMA04012020
Address: KPP, Wadnaha Street, Hodan District, Mogadishu-Somalia/www.sma.org.so/
E-mail:-info@sma.org, Tell: +252617002850, +252615334486, Mobile: +252615968488
2. Ururka Dhakhaatiirta Soomaaliyeed wuxuu madaxda qaranka u soo jeedinayaa, maadaama uu
bilawday in uu xanuunku ku faafo bulshada dhexdeeda bukaanada uu soo ridanayana ay aad u
badan doonaan sida la filayo ayna adkaan doonto in hal isbitaal lagu daweeyo in dhamaan
isbitaalada leh adeega Oxygenka iyo ICU ga ( Centralized Oxygen and ICU) in laga dhigo
Xarumaha sida gaarka ah loogu daaweeyo Xanuunka COVID-19. Xarumahaas waxaa ka mid ah
Isbitaalada ( Ex-Digfer Hospital, Yerdemeli Hospital, Ex-Deva Hospital, Sheikh-Zayid
Hospital).Ururka Dhakhaatiirta Soomaaliyeed wuxuu diyaar u yahay in uu ka qeyb qaato ka
shaqeysiinta, Hagida iyo la socodka dhamaan howlaha isbitaaladaa ee qabanayaan.
3. Ururka Dhakhaatiirta Soomaaliyeed wuxuu madaxda qaranka u sheegaya in ay dayacan yihiin
Shaqaalihi Caafimaadka Dalka kuwa ka shaqeeya isbitaalada dawladda iyo isbitaalada gaarka
looleeyahayba ayna qatarta ugu badan ugu jiran in uu ku dhaco xanuunka maadaama ay taagan
yihiin aaga hore la dagaalanka Xanuunka COVID-19 ayna xarumahaas imaanayaan bukaano
badan oo leh calaamadaha xanuunka. Ururka dhakhaatiirta somaliyeed wuxuu ku talinayaa in
loo helo qalabka ay xirfadleyda caafimaadku isaga ilaaliyaan COVID-19 sida PPE, N95
Facemask. Haddii qalabkaas la waayo waxaa dhaceyso in shaqaalaha caafimadku Qatar galaan
ama shaqadi ay bulshada u hayeen adkaaneyso in ey sii wadaan.
4. Culays ayaa ka jira soo referr garaynta bukaanada looga shakiyay xanuun ka Covid-19 ee lagu
arko xarumaha caafimaadka, sida ka jawaabista taleefonada xarunta soo wicidda, si fudud u
helidda Ambulance qaadda bukaanka sidaa si lamida in lakordhiyo xarumaha baaritaanka
cudurka. Ururka Dhakhaatiirta Somaliyeed wuxuu soo jedinayaa in la xoojiyo wadashaqaynta
xarumaha lagula tacaalayo COVID-19 iyo Isbitaalada laga soo diro bukaanada.
5. Ururka Dhakhaatiirta Soomaliyeed wuxuu soo jeedinayaa in lahelo siyaasad midaysan loogana
hortagayo xaaladda Xanuunka COVID-19 eyna hormuud ka noqdaan kaadiriinta Caafimaadka
Dalka maadaama ey yihiin dadkii u lahaa aqoonta iyo khibradda labadaba.
Waxaan allah ka baryeynaa in uu umada soomaaliyeed meel walbo oo ey joogaan uu ka badbaadiyo
halista Cudurka COVID-19

Dhamaad

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this