Sign in to follow this  
Deeq A.

Xoghaye cusub oo loo magacaabay Guddiga Doorashooyinka Puntland

Recommended Posts

Deeq A.   
Ubax-Cabdullaahi-Abshir-Puntland-Post.jpUbax Cabdullaahi Abshir

Guddiga KMG ah ee Doorashooyinka Puntland, ayaa Maanta oo Talaado ah magacaabay Xoghayaha Guud ee Guddiga, kadib kulan ay ku yeesheen Xaruntooda Magaalada Garoowe.

War-saxaafadeed ka soo baxay Guddiga, oo ku taariikhaysan 14 April 2020 ee ku beegan Maanta, ayaa lagu sheegay in Xoghayaha Guud ee Guddiga Doorashooyinka Puntland loo magacaabay Ubax Cabdullaahi Abshir.

Jagada Xoghayaha Guud ee Guddiga, waxaa horay u hayay Liibaan Saalax Maxamuud (Gegiroor) oo xilkaasi loo magacaabay 24 November 2016, islamarkaana la soo shaqeeyay Guddigii hore ee Doorashooyinka Puntland.

Gabadha haatan loo magacaabay Xoghayaha Guddiga KMG ah ee Doorashooyinka Puntland, waxay Shahaahada Heerka Labaad ee jaamacadda ka haysataa Dhaqaalaha iyo Maamulka Dowladda, waxaana ay in ka badan 15-sannadood la soo shaqeysay Hay’ado Dowladeed iyo kuwa gaar loo leeyahay.

PUNTLAND POST

Cabdiraxmaan Ciise Cumar

The post Xoghaye cusub oo loo magacaabay Guddiga Doorashooyinka Puntland appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this