Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog ku saabsan qofkii ugu horeeyay ee Boorama laga helay cudurka Coronavirus

Recommended Posts

Deeq A.   

Boorama (Caasimada Online)  Xukuumada Somaliland ee uu hogaamiyo Madaxweyne Muuse Biixi ayaa shalay shaacisay in Saddex Kiis oo cusub oo Coronavirus ah laga helay deegaanadeeda, gaar ahaan magaalada Hargeysa oo labo qof ah iyo Boorama oo qofkii u horeeyay laga helay.

Caasimada Online ayaa xog ka heshay Qofkii u horeeyay ee qaba cudurkaasi Coronavirus ee laga helay gudaha magaalada Boorama ee gobolka Awdal.

Qofkaasi oo aan qarinay magaciisa, ayaa waxa uu ku noola xaafada Xaasleyda ee magaalada Boorama, waana shaqsi ganacsiyo kala duwan ku leh gudaha magaalada, sida ay qaar kamid ah qoyskiisu u xaqiijiyeen Caasimada Online.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, Qofkaasi la xaqiijiyey inuu qabo cudurka ayaa markii hore la soo xidhiidhay wasaarada caafimaadka, kaasi oo muddooyinkii dambe isku arkayey caalamado kamid ah kuwa Coronaha, midaasi oo abuurtay shikiga uu xidhiidhka ula sameeyay wasaarada.

Shaqsigaasi ayaa hadda kaligii lagu karantiilay guriga, kadib markii la xaqiijiyey inuu qabo cudurkaasi halista ah ee dunida faraha ba’an ku haya, inkasta

Waxaana xusid mudan in qofkaasi uusan wax safar ah galin muddooyinkii dambe, iyadoona loo badinayo in cudurkaasi uu ka qaaday gudaha magaalada Boorama, midaasi oo sarre u sii qaadeysa halista cudurkaasi ee gudaha Boorama, oo ay hore u baahisay Caasimada Online.

Dhinaca kale, Caasimada Online oo xidhiidh la sameysay Saraakiisha caafimaadka ee gobolka Awdal, ayaa shacabka uga digay inay tagaan goobaha la iskugu yimaado, iyagoona ugu baaqay inay iska dhaafan socodka laga maarsami karo oo guryaha la joogo.

Sidoo kale waxa ay bulshada reer Boorama u soo jeediyeen Saraakiisha caafimaadku in la raaco tilmaamaha caafimaad ee wasaarada, iyadoo la joogteynayo nadaafada iyo faro dhaqida.

Halista cudurka Coronavirus ee gudaha Soomaaliya ayaa u muuqata mid kasii dareysa, xili dalka oo dhan laga helay Kiisas badan oo gaaraya Lixdan Kiis, halka labo qofna ay cudurkaasi ugu geeriyoodeen magaalada Muqdisho.

Hoos ka akhriso magaalooyinka iyo Kiisaska laga helay:

Muqdisho: 55-Kiis
Hargeysa: 2-Kiis
Boorama: 1-Kiis
Berbera: 1-Kiis
Burco: 1-Kiis

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this