Nephissa Posted July 31, 2007 I'm taking the "amaan" and running with it! Thank you, thanks so much guys. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Cabdow Posted August 1, 2007 ^ La carar maa tiraahdaayee, buur kala bood hadaa rabtid ...Nice signature btw, Guuuuul canjeex you are romantic Thanks walaalo, you're so sweet. wali waxa laga raba in aad amaanta so badisid see camal, and bring a chocolate and rose to go with it That is a reasonable request miss 416, is that all? mise intaa waa only the tip of the ice-berg Quote Share this post Link to post Share on other sites
Holac Posted February 21, 2014  @Cabdow said: Timahaaga dheere by Giriig

been laguma dhaartee
dhan loo dayaba gabaryay
jacaly iga dhab weeyee
timahaagan dheeree
dhabarkaaga joogee
ilaahay dhameeyee
ilkahaaga dhuuxiyo
dibnahaaga dhuxushaa
dhakafaar ka qaadee

waxa aad u dhigantaa
dhibicdiyo cadceedo
isu soo dhawaadee

dhaqan kaama luminoo
dhismahaa ma liicine
waqti kuma dhirbaaxine
sidii aad u dhalatay
dheehii u leeyiin
wali dhabanadaaduye
anna waxa ii dhaawacay
dhaayaha u rooney
dhoola ka qosolkaagee

waxa aad u dhigantaa
dhibicdiyo cadceedo
isu soo dhawaadee

sida dhool gu' oo kale
ama dhicirta hawdoo
geed sare ku taalaa
qurux loo dhameeye
dhalankaagu waa ubax
aan la kala dhantaaline
anna labada dhinac baan
kaa dhuganayaaye
kuma dhaafi karayee

waxa aad u dhigantaa
dhibicdiyo cadceedo
isu soo dhawaadee

Hablaha soomaliyeed maxaa amaan loo dhameeyey... Mexey kuku taalaa laakin waa ungratefull creatures, oo hadhow oran somali men are not romantic :mad: I found this topic on Google. I will use this. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Abdirashid fardale Ahmed Posted September 9, 2020 On 1/28/2007 at 6:26 PM, Laba-X said: Someone in this forum (A female) said to me that Somali gabays are disrespectful towards women in general and depict them in an inferior way and i argued that they don't - in fact they alleviate them in ways more than one. So she has asked me to show her some poems that praise women and i am here posting a few poems that Abwaans have recited to eulogize The Somali woman... Some of the more notable members in Gabayo can help us here and add some more Gabays. But I'll start wth a few that i have read... 1 - Hablaha Geeska Afrika - Hadraawi Ma geyoon ma gamashiyin Ma gommodin ma gaagixin Ma gabloobin maan gudhin Mana gabin hankaygii Gabaygiina maan deyn Geeraarradaydii Imminkaan gardaadshoo Weli maan gunaanadin Murti nimaam gunteediyo Baran gogol-dhiggeedoo Gonda degi aqoonoo Garab-daar lahayn baa Gawl-gawla hadalkoo Kolba dhinac garoocdee Sida Webi Ganaanoo Cirka godollo maaloo Biyihii ku gaaxdiyo Gebiyadii ku soo degey Ku darsaday gufaaciyo Guullaama diriroo Geli jabay habeenkii Kolba gacan ma soo rogay Qudhaciyo galoolkii Gunta xididka maw jaray Dhulka wada galaal iyo Gabbalaha ma kaga tegey Afartaa geddaydii Dhaha laygu garan jirey Gurmashada dagaalkiyo Gulufkiyo colaadaha Goobaha naf waagiyo Halka laysku gawraco Marka gorodda lays daro Haddaan dumarku goonyaha Guubaabo kicinayn Sida galowga dhiilloon Illayn geesi qayrkii Birta kuma gumaadeen! Gu´ hagaagay oo da´ay Dhulka geedo jiifaan Gurya-samo barwaaqa ah Haddii geeddi lagu furo Dhallinyaro is gurataa Gurdan raaca fiidkii Gole weyn ku kulantoo Cagta garan-garteediyo Isu geysa jiibkoo Googooska luuqdiyo Gedda sacabka loo jaro Hablahaa u gaaroo Garashada codkoodaa Qof gaboobey kicisoo Gelbiskiyo mashxaraddaa Gama´kaa ilaashee Haddaan gabadhi boodeyn Illayn gegi ciyaareed Wax ma dhaanto geriyaad Haddaan guudka laga jirin Gudihiisa xaabkiyo Cayayaanka laga gurin Marwo dumar garka u xidhan Illayn guri dugsoon ma leh Gaadaha habeenkii Kelidaa galgalashiyo Ged-geddoonka dhalisoo Adigiyo go´aagaa Hadba dhinac u guuroo Barkintaad gabbood iyo Gaashaan ka dhigataa Haddaan guud haldhaaley Kolba gacan la saareyn Illayn gogoshu wehel ma leh Kuma galo adduunyada Ninna goonni-socodkoo Marwo garasho dheer baa Ninka raga u gudinoo Iyadaa guddoonkiyo Gadh-hayaa naftaadiyo Gaadiidka reerkiyo Gurgurshaaga noqotoo Arrin kula gorfaysee Haddaan gaari kula jirin Illayn noloshu guul ma leh Gocashada xanuunka leh Waxaan uga gol leeyahay Go'i waa barbaareey Gobi waxay ku dhaqantaa Garab waxay ka dhigataa Gallad waxay ku dheeftaa Samo waxay ku gaadhaa Golollada haweenkee Hiddaheena gaarka ah Hablihii gabowgiyo Geerida ku sugi jiray Hablihii garayskiyo Xidhan jirey guntiinada Hablihii gu' iyo dayr Sida baarqab golongolay Dhexda xadhig ku goyn jirey Hablihii garaaraha Gaatan-socodka laafyaha Sida gorayga ciideed Gelbin jirey tallaabada Hablihii gun iyo baar Isha gacalo-eegtaa Gama' aanay ledi jirin Hablii talada guunkiyo Gunti jirey xishoodkee Hadalkoodu gaabnaa Hablihii gef hooyiyo Qarsan jirey guhaaddee Hadday godollo soomaan Ama gaajo liitaan Cidi aanay garan jirin Hablihii gammaan faras Iyo geela ugubka ah Guur doon ka bixin jirey Hablihii Gargaariyo Guuleed ku curan jirey Goldaloolo iyo ceeb Hablihii ka guban jirey Hablahaan gankoodiyo Hilbahooda gadi jirin Haddii aad gujeysaan Guul guul ku laysaan Godol qudha ku mooddaan Gabbalkooda dumisaan Hadba tooda goosha ah Ganacdeeda jabisaan Dadku gabanna xooriyo Garracyaley yidhaahdaan Inagoo gumowniyo Dhaqan guurey weeyee Gocashada xanuunka leh Waxaan uga gol leeyahay Godob aabbe falay baa Ubadkiisa gocondhiyo Gumar shidan ku noqotoo Gebi dheer ku dumisee Ninka inan ma geyda ah Golqaniin ku maalee Gurrac kaga danaystow Waxaad gaaxsanaysiyo Gashigaad cunaysiyo Xumahaad geleysaa Ruuxay ka go’an tahay Gabadhaada weeyee Gefka aad falaysiyo Waxaad geysanaysaad Galab kale ka sheekeyn. Gebagebada sheekada Bal aan soo gunaanado Guddoonsiiyo jiiftada Gabigeed adduunyada Gobol-gobol u qaadoo Hablo weerar geli kara Hablo geela dhicin kara Hablo geesi dili kara Gobonimana hanan kara Hablo talada goyn kara Garta madal ka niqi kara Garashana iskaga mida Quruxdana ka wada gob ah Geesteena mooyee Gayi kale ma joogaan 2 - Amaan Dumar - Maxamad Nuur fadal Xasanow dhawaaq gabay haddaad iga dhaguugayso hadduu guur qalbiga kaaga dhaco dheelin baad tahaye dhadhan ma laha naagaa middii dhoocil noqotaaye dhulka jiifto lama guursadiyo dhererka qaarkiise hadday dhuubo weyd tahayna waa raaxo kaa dhimane meesha iyo dhalaanimo middaan anigu dhowraayay dhildhilada gacmihiyo shanshada dhumucda loo yelay dhexda madaga dhaayaha indhaa dhaban wanaageda dhudda qoorta iyo faayahay dhudi la soo jeedo dhubbad qaadka timahaad haldhaa dhalinki moodayso cirrid dhuxla iyo suuniyaa dhibic dawaadeeda dhumbal-mada cad dhoolaa ilkuu dhayag noo dile'e saddex dhudalay dhaclaa iyo dawali dhixir wanageda sindi dheehan Qoolow sidii lagu dhex taalleeyay waqfiyada gacmaa lagu dhuftee saayaq lagu dhaabay dammideedba maantay deerays dheeg iskaga yeesho ee ay dhabeelnimiyo qurux dhuuxa ka iftiinto dhugta lugha iyo faayahay dhebel u sii dayso kolkay socodka dhiif uma waddee dhebi sidii liicdo dhega inan rag kay dhinac martaa dheelmatiin galabe dhaqan iyo adduun lama hadheen dhogorta xoolaade inta dahabka lacag dheertahay dumarka dhaantaaye dhadhab igula looshiyo hurdada dhool anoo ladaye dhuuxaga iyo feedhay dhudi ku laaqnayde sidii malagga ruuxayga dhigay laygu kaa dherere inkastay dhallaan yeelatiyo ubad dhawaaqaaya dhimashada ha joogtee si kale waw dhur sugayaa dhufsataye qalbiga maanigaa dhudi ka reebaaya 3 - Shukri - C/llahi C Qamaan Aabahay rumaad iyo kolkii, hooyo laga reebo Shugriyey wax ruux iyo naf leh, baad iigu roontahaye Anna sida aan kuu rabo dhab baan, kaaga raaridiye Rasmi inuu kalgacalkaygu yahay, oo aanan riyoonaynin Rabbigii i uuntay baa igu ogee, rubuc intaad qaado Raaliyadii aan saanyadaay, ramo odhaahdayda Oo soo rujuuc oo niyada, hayga kala reebin Anoo ruug-caddaaya oo aan lahayn, rug iyo raas toona Anoon raasamaal haysan iyo, kob aan ku raaxaysto Raggu maalintay shiri anoo, la iska kay reebo Hadalkayga oon run iyo been, axad rabaa joogin Ruwydiyo Najiib iyo Bedri iyo, raxantan qooqaysa Muxyadiin Rijaal iyo Sacdoo, ugu yar reerkayga Ubadkaa anoon rag iyo dumar, aabo ruux odhanin Rabbi mahadii Eebaa, nikaax iigu kaa ridaye Kolkan reerka buuxiyo adoo, raaxo ii sababay Rabbi kuma cadaabee abaal, raaga adigoo leh Sidee baanan aad kuugu rabin, saw nin rag ah ma ahi Natfaa kuu riyaaqday oo ducaan, kuu ratibayaaye Rabbigayna wuu iga aqbali, saan rajaysnahaye Adduunyada ku raag oo wax badan, ribix ku noolowe Risiqa Eebe kuu waasacyoo, raas qabow noqo e Raggaa iyo raggii ay dhaleen, oo isdaba roori Intay gaadhiyaal kuuraraan, raarta buuxsada e Rukumada Xadkii iyo Kabcada, raaliyaay gudo e Ifka waysku raynaye markay, ruuxdu ina dayso Rabbigay ha saamaxo danbigaad, ruubatee hore e Rasuulkii udgoonaa intuu, kula rafiiqsiiyo Raaca u horeeya ee jannada, Rawdo gali doona Alla inama kala reerayee, ha isu keen raacsho ...More to come + you can add Shire Ahmed faarax(wididhid) waxaa walalo ahaayeen Xaaji Hassan Ahmed iyo fardaale Axmed iyo ragg kale badan. Sadex wayga gabyaaga, Sadexna waa iga geela, Sadexna wayga gabdhaa, Sadexna wayga gargeerta Geedka loo dirayo. Sadexna wayga gargeerta, Geedka loo dirayee, Aakhiray ku gubtaa, Ifkana guuldarro weeye, Reerkaagay gembidaa, Gar eexayska ogaada. Sadexna wayga gabdhaaye, Haddaa guur damacdaan, Goosataan taladiina, Gaadhoo laysma yidhaahdo, Waxuunbaa la gartaa, Gunbaa ciil iyo way, Guhaad loogu go’aaye, Gobtuun baa la xigaa. Sadexna wayga gabyaaga, Golahaa I maqlaayee, Gaafka caawa la keenay Maadhiinkii gurxamaayey Galaas bayna dhex yaale, Waa ninkay u go’daaye, Golaha caawa ka qaata! ....................... Waa geeraar kale oo xarafka "t-da" ku socda oo uu geela ku tilmaamayo. Haddaan dayrta tifteeda Taraarey la xergeyn, Intii ay taxnaydee, Aanay Hawd u tallaabin, Haddaan awrku ku taahin, Boga oo tollomoobey, Tuke guudki la moodin, Talfiiqaa miciyaa iyo, Bishnahaysku tumaynoo, Hadba gees u tuxlayn, Haddaan geedka tamuuxan, Nirgaa loogu taxayn Ma tabaala baxda ? Waxaa ku deeqay: Jama abdi muuse ______________________________ Quote Share this post Link to post Share on other sites
Seedyare Posted November 1, 2020 indhawayd Amiiroow ma tirin,erayga sugaane Aayar baan alooskii ka tagay ,or iyo geeraare Eeggana AYAAN baan arkaye,alif ma sheegeene Bal ayyida cawoo kalaan,ararta laacaaye Indhaheeda quruxda leh markaad ,adigu sii eegto Ama aad ag mareetood mindhaa ,yara ilaalayso Asal dhalad intay tahay baad ,amar ku gooysaaye Waa ayni jira maandhoow yartaan eego leeyahaye Allahii Sameeyaa asluub ,ugu abaal gudaye Aaraan geela awrkiyo nirgaha,sidigta eeraan ah Aboodiga sidoodii fardaha ,orodka dheereeya Iyadaan aduun iyo ka bixin,aaladaha qaar e Allahayoow amaanada aduun ,inuba waa nooce Agtayda eboow ka yeel,inantaan iinshaartay (Seedyare) Quote Share this post Link to post Share on other sites