Sign in to follow this  
Deeq A.

Deni oo maamul cusub u magacaabay G/ Nugaal

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Xeer madaxweyne Lr.30 April 13,2020 ku magacaabay Guddoomiyaha Gobolka Nugaal iyo Ku-xigeenadiisa.

Madaxweynaha maamulka Puntland

Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80-aad.

Markuu arkay: Baahida loo qabo dar-dar gelinta Maamul ee Gobolka Nugaal.

Markuu Tixgeliyey: Aqoontooda, kartidooda iyo waayo-aragnimadooda shaqo.

Wuxuu xeeriyey:

1. Waxaa Cawil Axmed Maxamed loo magacaabay Guddoomiyaha Gobolka Nugaal

2. Waxaa Qaasim Maxamed Cabdi loo magacaabay Guddoomiye ku-xigeenka 1aad ee Gobolka Nugaal

3. Waxaa Xuseen Xaaji Cabdulle Maxamed loo magacaabay Guddoomiye ku-xigeenka 2aad ee Gobolka Nugaal

Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this