Deeq A. Posted April 13, 2020 Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Mahad Salaad oo ka tirsan golaha shacabka ayaa ka hadlay arrimo ku aadan cudurka faafa ee Coronavirus, gaar ahaan lacagta shanta Milyan ee ay dowlada u qoondeysay inay kula dagaalanto cudurkaasi. Mahad Salaad oo qoraal soo dhigay bartiisa Faceebook-ga ayaa marka hore nasiib daro ku tilmaamay daryeel xumo la sheegay inuu u geeriyooday wasiiru dowlihii wasaaradda cadaalada HirShabelle, Marxuum Khaliif Muumin, kadib markii loo waayay Oksijiin. Sidoo kale wuxuu is-wediiyey halka la geeyey lacagta ay dowladda federaalka ugu tala-gashay la tacaalida cudurkaan saf-marka ah ee COVID-19. Xildhibaanka ayaa sidoo kale is-weydiiyey mar haddii mas’uul dowladeed uu daryeel xumo u dhintay, sida uu daawo iyo ka war-qab ku heli karo muwaadin danyar ah. Ugu dambeyn wuxuu ugu baaqay dowladda Soomaaliya inay wax ka qabato arrintaasi, ama ay runta u sheegto dadka Soomaaliyeed. Halkaan hoose ka aqriso qoraalka xildhibaanka:- Shan Milyan oo dollar ayaa dowladu sheegtay in ay u qoondaysay la tacaalida cudurka Coronavirus. Lkn nasiib daro shalay Isbitaal Martiini waxaa daryeel xumo caafimaad ugu geeriyooday Wasiir Hirshabelle Khaliif Muumin kadib markii loo waayay oksijiin (oxygen) uu ku neefsado sida eheladiisa iyo siyaasiin qaraabo la ah marxuumka warbaahinta u sheegeen️ Haddaba su’aashu waxay tahay xagee la geeyay lacagtii loo qoondeeyay la tacaalida cudurkaan. Jeeb dad kale miyey gashay mise jidka ayay ku soo jirtaa. Hadiise mas’uul dowladeed daryeel xumo caafimaad ugu geeriyooday Isbitaalkii dowladu sheegtay diyaarintiisa in malaayiin dollar lagu bixiyay, makula tahay in daryeel caafimaad uu ka heli karo muwaadin danyar ah oo cidina dabo socon?! Waxaan ugu baaqayaa madaxda dowlada in arintaan si degdeg ah wax uga qabtaan, dadkana aysan u loogin cudur iyo daryeel xumo wada jira, hadii kale dadka loo run sheego si dadkooda ay ula tacaalaan. Hon. Mahad Salad Share this post Link to post Share on other sites