Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweynaha Turkiga oo diiday iscasilaadda Wasiirkiisi arrimaha gudaha

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasiirka arrimaha gudaha waddanka Turkiga Suleyman Soylu ayaa Axaddii shalay is-casilaaddiisa u gudbiyay madaxweyne Reccep Tayyip Erdogan kadib markii uu cambaarayn xooggan kala kulmay bandow uu soo rogay si looga hortago faafidda COVID-19.

Balse madaxweynaha Turkiga Reccep Erdogan ayaa diiday in uu aqbalo iscasilaadda wasiirka ee ka dhalatay xannibaada degdega ah ee uu ku soo rogay dalka taasi oo keentay in dadku guryahooda ku yaacaan kadib markii ay dareemeen cabsi iyo argagax la xiriira Coronavirus.

Go’aankaas ayaa kumanaan qof ku qasbay in ay ku cararaan suuqyada islamarkaana is dhex yaacaan taasi meesha ka saartay xeerkii kala fogaanshaha bulshada.

Waddooyinka magaalooyinka Istanbul iyo Ankara ayaa sidoo kale buuxsamay ayadoo la arkayey safaf dhaadheer oo loo galay dukaamada cuntada bankiyada iyo goobaha kale.

Kadib jaahwareerkii  ka dhashay xanibaadda ayaa dhaqan-gashay waxaana u hogaansamay inta badan shacabka. Dalka Turkiga waxaa laga xaqijiyay 57,000 kiis oo COVID-19 ah waxaana u dhintay 1,200 oo qof sida ay sheegtay dowladda.

PUNTLAND POST

The post Madaxweynaha Turkiga oo diiday iscasilaadda Wasiirkiisi arrimaha gudaha appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this